Codsi lagu gudbiyay baraha bulshada oo Obama looga dalbanayo inuu isu sharaxo doorashada madaxtinimada Faransiiska ayaa soo jiitay taageerayaal gaaraya 42,000 oo qof.
Boorar lagu qoray “Oui, on peut” – oo loola jeedo hadalkii uu ku caan baxay Obama 2008-dii ee “Haa, waan awoodnaa”- ayaa lagu arkay magaalada Paris.
Barak Obama maahan muwaadin Faransiis ah, sharci ahaanna looma ogola inuu xilka dalkaasi u tartamo.
Balse dadka billaabay ololaha waxay sheegayaan in ujeedada ay tahay inay muujiyaan in musharax u qalma xilka uusan jirin.
Farriinta ku socota musharixiinta waxay tahay “dadow, riyadeena ma rumeyneysaan”, ayuu u sheegay BBC-da mid ka mid ah abaabulayaasha.
Codbixiyayaasha Faransiiska waxay madaxweyne dooran doonaan 23-ka bisha April.
Haddii mid ka mid ah musharrixiinta uu heli waayo boqolkiiba 50 in ka badan, wareegga koobaad, doorasho ku celis ah ayaa la qabandoonaa 7-da bisha May, waxaana ka qeybgali doono kuwa ugu codka badan.
Musharaxa ugu caansan waa hogaamiyaha xisbiga midigta-fog, Marine Le Pen, taas oo ka faa’iday eedaha ay dowladda u jeedisay ee ku saabsan dhaqaalaha oo si xun loo maamulay.
Waxay foodda is daridoonaa musharaxa xisbiga midigta-dhexe Francois Fillon.
Le Pen waxaa suuragal ah inay hesho codad aysan horey u helin, laakiin ololeheeda waxaa hareeyay farriimo xanaaq dhaliyay.
Waana sababta ay dhallinyaro u billaabeen olola ha Obama2017, si ay jawaab uga bixiyaan musharixiinta iyo ficilkooda.
“Waxaan u maleyneynaa inaan wax kale sameyn karno oo aan ahayn xagjirnimo”, ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada.
“Waxaan ka soo horjeednaa siyaasadda, si gaar ah musharixiinta, midkoodna taageero uma hayno. Kani waa olole aan ku dheheyso dadow baraaruga, bedelkiina waxaan dooraneynaa Obama”.