Madaxweynaha Ku meel-gaadhka ah ee Ismaamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Axmed Cabdi Sheikh Maxamed oo loo yaqaano Axmed Ilkacase ayaa mar uu daqiiqado ka hor ka hadlayay Telefishanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ESTV waxa uu baaq u diray shacabka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo guud ahaan shacabka Itoobiya.
Mudane Axmed Cabdi Sheikh Maxamed (Ilkacase) oo la hadlay Telefishanka dawladdiisa ee ESTV ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xaaladda Madaxweynihii xilka uga horreeyey ee isna goorta dhawayd is casilay Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, waxaanu yidhi: “Walaalayaal waxa aan halkab baaq uga dirayaa dhammaan shacabka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gudo iyo dibadba. walaalayaal aan nabad gelyada dalkeena ilaalino. wixii aan soo dhisnay yaynaan iska dumin. in wax la dumiyaa waa arrin fudud balse in wax la dhisaa waa wax adag. walaalayaal wax aan ku darno mooyee yaynaan dalkeena burburin. dhammaan shacabku ha is dejiyo oo nabadda aan ilaashano. waxa aan halkan uga mahad celinayaa Madaxweynaheenii Cabdi Maxamuud Cumar oo waddankan taariikh kaga tagay. isaga oo aanay cidina qasbin ayuu is casilay. waxa badan ayuu dadkan iyo dalkan u soo qabtay sharaf iyo karaamo ayaanu ku joogi doonaa oo xilka kaga dagay. guud ahaan Itoobiya waxaan ugu baaqayaa in aan gacmaha is qabsanno oo aan xaaladda ku soo celino nabadgalyo. waxa aanu ballan qaadaynaa in aanu xasiloonida ka shaqayno oo aan sharciga umadda ku dhaqno” ayuu yidhi Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Kililka shanaad Mudane Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.
Iscasilaadda madaxweynaha Kililka shanaad Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka dambeysay kaddib markii militariga federaalka loo daabulay magaalada Jigjiga iyo deeganno ka tirsan maamulka Soomaalida, waxaana la rumaysan yahay in Cabdi Maxamuud Cumar ay cadaadis ku saartay dowladda dhexe ee Itoobiya inuu xilka iska casilo kaddib markii dibadbaxyo ay ka dhaceen halkaasi iyo dagaallo dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.