Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Loogu Baaqay Inuu Hargeysa Ku Marti-Qaado Farmaajo, Gaas, Cabdi Iley Iyo Geelle, Si Isbeddellada Mandaqadda Loogu Midoobo

Date:

Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo loogu yeedho ‘Madaxweynaha Mustaqbalka’ isla-markaana ah Siyaasi reer Somaliland ah oo had iyo jeer ka hadla Arrimaha Dalka iyo Mandaqadda ku soo kordha, ayaa Shir-jaraa’id oo uu Shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa wuxuu kaga hadlay Xallinta Shaqaaqadii labada Beelood ee Walaalaha ah ku dhex martay Ceel Af-weyn, waxaanu soo dhaweeyay heshiiska Nabadeed ee labadaa Beelood la kala dhex dhigay.

Warka ObsiiyeSiyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye wuxuu amaanay isla-markaana Hambalyo iyo duco u diray Ergooyinkii faraha badnaa ee Muddada ku hawlanaa soo afjaridda Colaaddii dhex taallay Beelaha Walaalaha ah ee Ceel Af-weyn, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan Hambalyo iyo bogaadin u diro Guddigii iyo Ergooyinkii ballaadhnaa ee ka qayb-qaatay Xallinta khilaafaadkii labada Beelood ee wada dega Degmada Ceel Af-weyn, hadday tahay Xukuumad, hadday yihiin Culimo, haddii siyaasiyiin yihiin, hadday yihiin Madax-dhaqameed, hadday yihiin Dhallinyaro iyo Haweenba, waxaan leeyahay Illaahay ha idinka abaal-mariyo. Labada Beelood ee la heshiisiiyey waxaan leeyahay wax badan ayuu soo noqnoqday arrinkaasi waxa fiican inaad ka kortaan oo Dadka Soomaaliyeed ee idiin soo gurmaday ee intay leekaayeen aad arkayseen inaydaan khasaarin oo aydaan ka dhigin ‘Hal bacaad lagu lisay’. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘Fiiriyaa ma falo’, Qofku inuu iswaydiiyo waxa uu samaynayo waa muhiim, Waayo? wuxuu helayaa fikirka saxda ah, bal iswaydiiya waxaad Dadkeenii iyo Walaalihiin ku disheen, seedigiin, sodoggiin iyo Walaalihiin oo Muslimiin ah, waxaan qabaa inay tahay macno-darro, waxaan leeyahay yaanu arrinkaasi dib inoogu soo noqonin, waxa la idinka rabaa oo kale Mahad-naqeeda iyo inaan arrintaasi dib inoogu soo noqonin.”

Cabdiqaadir Cali Obsiiye waxa kale oo uu soo jeediyey in Xal nabadeed laga gaadho Colaadda Tuke-raq ee u dhexeysa Somaliland iyo Puntland “Waxa kale oo loo baahan yahay oo aan soo jeedinayaa in Xil la iska saaro oo hawsheeda loo guntado colaadda Tuke-raq.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu uu farriin u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo “Madaxweyne Farmaajo maalintii dhawayd waakii tagay Eratariya, waxaynu nahay Dad gogol ku wada fadhiya oo dhaqan, Diin iyo Diirba uu ka dhexeeyo, markaa waxaan u soo jeedinayaa inuu cudur-daar ka siiyo Walaalaheena Jabuuti, Jabuutina waxaan u soo jeedinayaa in aanay deg-degin, Waayo? waxa laga yaabaa in Farmaajo aanay ka ahayn badheedh iyo inuu xumaynayo Jabuuti, balse waxa laga yaabaa inay siyaasaddu halkaa la martay, bani-aadamkuna wuu khaldamayaa, markaa waxaan soo jeedinayaa in Farmaajo oo cudur-daar ka bixiyo, Jabuutina dul-qaadkeeda yeelato oo ay soo dhawayso.”

Siyaasi Obsiiye oo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyey inuu marti-qaad u fidiyo Madaxweyneyaasha Jabuuti, Soomaaliya, Kililka Shanaad iyo kuwo kale ee Maamullada ka jira Soomaaliya, si buu yidhi Soomaali iyadoo deegaanadeeda kala joogta go’aan midaysan uga qaadato Isbeddellada ka socda Mandaqadda Geeska Afrika, waxaanu yidhi “Waxaynu ognahay Maanta Isbeddelka ka socda Mandaqadda ama bariga Afrikaba, markaa waxaan u soo jeedinayaa Madaxweyne Muuse Biixi inuu Gogol u fidiyo Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogto, hadduu Madaxweyne Farmaajo, hadduu yahay Cabdweli, hadduu yahay Madaxweynaha Kililka shanaad, hadduu yahay Madaxweynaha Jabuuti oo Hargeysa gogosha loogu fidiyo ayaan soo jeedinayaa, si looga wada-hadlo isbeddelkan Mandaqadda ku yimid loogana yeesho talo mid ah, la isna waydiiyo bal sidii aynu u wada noolaan lahayn. Maaddaama oo aynu arkayno isbeddelka Mandaqada ka jira waxa loo baahan yahay inaynu wixii hore iska ilownay bal marka hore aynu miiska soo saarno Xaaladda Maanta taagan, waxna iska waydiino sidii aynu u wada noolaan lahayn ee aynu ula jaan-qaadi lahayn (Isbeddellada Mandaqadda), loona soo celin lahaa Midnimadii iyo Walaalnimadii Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto iyadoo Cid walba halkeeda joogta haddana talo mid ah looga yeelan lahaa ayaa soo jeedinayaa, wixii Aqoonyahan Soomaaliyeed ahina ka soo qayb-galaan ayaan soo jeedinayaa..”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...