Deg Deg: Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxay Somalia Iyo Dawlada Djabouti + Xalka U Salka Ku Hayow

Date:

Akhriso.Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Dawlada D Jabout Iyo Dawlada Somaliya+Qodobada Laysku Maandhaafay
Qoraal ka soo baxay safaaradda Djibouti ee Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida ay Soomaaliya u codsatay in cunaqabateynta laga qaado Eritrea iyo taageerada indho la’aanta ah ee Muqdisho ay siiyay Asmara, waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in sidaasi uu Farmaajo sameeyay xilli wiilashooda iyo gabdhahooda ay difaacayaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya

Qoraalka waxaa uu u qornaa sida:

Djibouti ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay codsigii madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ee ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabateyntii loo saarey 2009kii kaalinteeda qaska ay ka waddo dalalka dariska ah gaar ahaan taageeradeeda Al-shabaab iyo kooxo argigixiso ah oo Djibouti qas ka wada.

Qaran ahaan, Soomaaliya waxaa ay xiriir la yeelan kartaa dalalka kale ee gobolka, laakin wax la aqbali karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea oo heysata dhulkeenna, isla markaana inkirtay inuu dhul Djibouti yahay.

Waxaa xikmad ahaan laheyd in qoraalka ay ku darto Soomaaliya inuu jirto muran dhul oo u dhaxeeya Eritrea iyo Djibouti, lana raadiyo sidii loogu heli lahaa xal siyaasadeed.

Djibouti waxaa dagaalka uga dhintay rag iyo haween geesiyaal ahaa, welina murankii waa jiraa, sidaasi darteed waxaa sidhab ah u qaannay taageerada indho la’aanta ah ee walaalaheen Soomaaliya ay siiyeen Eritrea iyaga oo u dooday in Eritrea loo xor looga dhigo dhibka ay ku heysto gobolka. Kama ogolaaneyno wada hadalkaas khatarta ah xilli wiilasheenna iyo gabdhaheenna ay difaacayaan nabadda iyo xasiloonida.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...