Kooxda Chelsea oo farta ku fiiqday goolhaayaha ay badalka kaga dhigan doonto Thibaut Courtois

Date:

Kooxda Chelsea ayaa go’aamisay goolhaayaha badalka u noqon doona Thibaut Courtois, haduu uu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid.

Shabakadda “Sky Sports” ayaa sheegtay in kooxda Chelsea ay dooneyso inay hesho goolhayaha caalamiga ah ee xulka England ee kooxda Everton Jordan Pickford.

Shabakada ayaa horey u sheegtay isbuucan in sidoo kale Kasper Schmeichel iyo Jack Butland ay sidoo kale ay qeyb ka yihiin goolhaayaasha ay Chelsea dooneyso in ay ka dhigato badalka Courtois.

Laakiin Jordan Pickford ayaa maamulka kooxda Blue ay dhiganayaan dooqa koowaad marka loo fiiriyo liiska u diiwaan gashan.

Everton ayay u badan tahay inay isku dayi doonto inay ka hor tagto dalabyada kaga imaanay London si ay u difaacato goolhaayaheedan, kaasoo ay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kala soo saxiixatay 30 milyan oo ginni dhigeeda Sunderland.

Chelsea ayaa ilaa iyo haatan wax dalab rasmi ah ka gudbinin goolhaayaha kooxda Everton Jordan Pickford. mana jirto wax hadal ah ee la xiriira.

Warar badan oo la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Thibaut Courtois laga yaabo inuu ka tago kooxda Chelsea in lagu jiro suuqan xagaaga, isagoo ku sii jeeda garoonka Santiago Bernabeu.

Tababaraha Chelsea Maurizio Sarri ayaa sheegay inuu doonayo inuu la hadlo Courtois, si uu u arko dareenkiisa kahor inta uusan go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...