Saxeexii Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidka Oo Loo Gacan Galiyey Agaasimaha Waaxdda Gaadiidka Iyo Khilaaf Soo Ifbaxay
Agaasime Waaxeedkii Waaxdda Gaadiidka Oo Loo Suuliyey Shaqadii Agaasimaha Guud Iyo Agaasimihii Maamulka Iyo Lacagta Oo Banyaal Laga Dhigay, Saxeexyada Dabramay Iyo Seetadda Xilka Suul-san
Saxeexii agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo jidadka oo loo gacan galiyey agaasime waaxeedkii waaxdda gaadiidka ee wasaaradda jidadka Maxamed Sugaal oo hore looga wareejiyey waaxdda liisamadda ee wasaaradaasi,
ilo xogogaala oo diiradda ku hayey dhaq-dhaqaaqa wasaaraddaasi ayaa tibaaxaya in agaasimihii guud ee wasaaradda gaadiidku saxeexii sii si ku meel gaadh ah ama AGTIN ah ugu wareejiyey Maxamed Sugaal,
agaasimaha oo safar ugu baxay dalka turkiga ayaa ka maagay in uu igmado agaasimayaashii ay ku taxaluqdey in uu u dhiibo maadaama uu isagu maqan yahay lagama maar-maana ay tahay in hawl qabadkii wasaaraddu sii socdo kaas oo dabray hawlo badan oo wasaaradda ka socdey.
Habdhaqankan cusub ee ay iba fureen masuuliyiinta wasaaradaasi ayaa noqonaya mid suulinaya nidaamka dawladnimada maadaama agaasimaha gaadiidku aanu dhana ka soo galin sii haynta masuuliyadan culus maadaama uu joogo agaasimihii maamulka iyo lacagtu ama ku xigeenkii agaasimaha maamulka iyo lacagta iyo xisaabiyihii guud ba kuwaas oo ah biyo culusta dhaqaalaha wasaaraddaha oo si xoogan ula socda nidaamka dhaqaalaha ama maaliyadeed ee wasaaradaasi, waxayna noqdeen kuwo shaqadoodii tunka loo saaro masuul aan igmane u ahayn.
Xoggaha wargeysku helayo ayaa tibaaxaya in baylah ay noqotay shaqadii agaasimaha guud Cumar Sayid waxaana gaabis galay hawlmaal meedkii wasaaradda xogaha ayaa intaa ku daraya in saxeexa agaasimaha Agtinka ahi kala wadi waayey shaqadii wasaaradda gaadiidka oo ay curdan-dhadhisay wadda shaqayntii masuuliyiinta wasaaradda. Nidaamkan ka dhex hilaacay wasaaradda gaadiidka iyo jidadka ayaa noqonaya mid masuul waliba ku baddelan karro xubinta uu jecel yahay in saxeexiisa ka reebto taasina horeed u noqoto in dawladnimadu daciifto.