Deg Deg: Ciidamo Ka Tirsan Ilaalada Madaxweyne Farmaajo Iyo Kuwa Dawlada Oo Imika Dagaal U Kala Baxay Gudaha Caasimada Muqdidho

Date:

Deg Deg: Ciidamo Ka Tirsan Ilaalada Madaxweyne Farmaajo Iyo Kuwa Dawlada Oo Imika Dagaal U Kala Baxay Gudaha Caasimada Muqdidho

Sida ay sheegayaan wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ciidamo ka wada tirsan dowladda ayaa ku dagalaamayo halkaas.

Ciidamada dagaalka uu dhaxeeyo ayaa ka wada tirsan ciidamada Militariga Soomaaliya, wuxuuna dagaalka hadda ka socdaa Xaafadda Kaawo Godey ayaa Degmada Dharkeynley.

Sida goobjoogayaal ay u sheegeen Caasimadda Online dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka daran dooriga u dhaco iyadoo ay dagaalka ka qeyb qaadanayaan gaadiid dagaal oo u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Dagaalamayo ayaa u abaabulan hab qabiileed, wuxuuna dagaalkaan salka ku hayaa muran dhanka dhulk ah oo u dhaxeeyo Ciidamadaan .

Rasaasta ayaa weli halkaas lagama maqlayaa wuxuuna dagaalkaan galayaa maalintiisi labaad inkastoo Maanta uu ka culus yahay dagaalka sidii shalay oo kale.

Shalay ayaa is rasaaseyn daqiiqado socotay oo labada ciidan dhex martay waxaa ku dhintay qof ganacsade ahaa oo rasaastu haleeshay , waxaana socon weysay waanwaan ay waxgarad ka dhex wadeen labada dhinac, iyadoo uu maanta dagaalkii dib u qarxay.

Dadka degan xaafadda Kaawo Godey ayaa bilaabay inay ka qaxaan xaafadda la isku heysto, waxaana weli socota rasaasta.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...