Chelsea oo Lasoo Wareegtay Goolhayahii Hore ee Qaranka England Rob Green

Date:

Goolhayaha Rob Green ayaa dhameystiray ku biirada Chelsea qaab xora .38 jirkaan ayaa noqday saxiixii u dambeeyay ee safka Blues kamid noqda, wuxuuna ku tartami doonaa dooqada seddexaad ee goolka.

Green ayaa ahaa mid ay iska fasaxday naadiga Huddersfield dhamaadka xili cayaareedkii hore isagoo heshiis waqti koobana la galay kooxda Stamford Bridge balse Chelsea ayaa dooneysa inay adkeeyso heshiishkooda.

Waxa uu u sheegay website-ka kooxda: “Waxa ay aheyd 24 saacadood. Waxaad ka fekereysaa xirfaddaada iyo meesha aad rabto inaad tagto ka dibna waxaad heleysaa taleefan sidan oo kale ah, waana wada hadal gaaban.

Waxay ahayd waqti aad u wanaagsan aniga ahaan mana sugi karo  inaan bilaabo. Aad ayaan u faraxsanahay, waxaana farxad iyo ixtiraam ah inaan halkaan joogo.

Green ayaa leh qibrad badan, isagoo ka cayaaray horyaalka Premier League iyo Horyaalka heerka labaad ee Championship 658 kulan.

Willy Caballero ayaa kaalinta labaad ee dhanka goolka ah iyadoo Chelsea ay tartan galin doonto goolka kowaad waa haddii ay Thibaut Courtois ka iibiyaan Real Madrid.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...