Deg Deg: Arrimihii Xajka Oo Heshiis Buuxa Laga Soo Saaray Balse Reer Somaliland Ma Xaji Doonan + Dhageyso
Wasaaradda diinta awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya iyo shirkadaha diyaaradaha ee ka qeyb galaya arrimaah Xajka ee sanadkaan ,ayaa waxa ay hehsiis ka gaareen khilaafkii ka dhashay arrimaha xajka.
Ku simaha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya ahna wasiiru dowlaha wasaaradda oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa sheegay in madaxda shirkadaha duulimaadyada ay go’aan ka gaareen khilaafkaas, isla markaana shan shirkadood ay sanadkaan duulimaadyada ka qeyb qaadan doonaan.
Laba ka mid ah ayaa loo ogolaaday in ay tagaan Sacuudiga, oo ah kuwii hore xajka u tagi jiray, halka saddexda kale ee ku soo biiray ay xujeyda geynayaan Jabuuti iyo Kenya, halkaasi oo ay ka qaadeyso shirkadda diyaaradaha Sacuudiga.
Sanadkaan Soomaaliya waxaa loo ogolaaday in ay ka baxaan 9,300 oo qof.
Farxaan Sheekh Maxamuud oo ah sarkaalka safaaradda Soomaaliya ee loo xil-saaray artrimaha xajka, ayaa waxa uu sheegay in shanta shirkadood ay duulimaad labo ka mid ah sida Jubba iyo Daallo ay si toos ah Muqdisho uga qaadi doonaan, halka saddex kale oo kusoo korortay ay geyn doonaan xujeyda Nairobi iyo Jabuuti.
Si kastaba murankii ka dhashay arrimaha xajka ayaa sababay in ay xilalkii ku waayaan wasiirkii awqaafta iyo arrimaha diinta iyo maareeyihii duulista hawada.