Kooxda Chelsea Oo Si Deg Deg Ah U Soo Diiday Dalab Real Madrid Ku Doonaysay Saxiixa Eden Hazard.

Date:

Kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea ayaa iska diiday dalab uga yimid kooxda Real Madrid si ay u helaan Eden Hazard inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Ingiriisku.

Wargeyska “London Evening News” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday maanta oo Sabti ah in Real Madrid ay u soo bandhigtay kooxda Blues dalab dhan 100 milyan euro iyo sidoo kale lacago dheeri ah ee lagu dhiiri galinayo Eden Hazard si uu ugu dhaqaaqo garoonka Santiago Bernabéu.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Chelsea ay diiday dalabka uga yimid kooxda Real Madrid isla markiiba, iyagoo xaqiijiyay inay doonayaan in laacibka reer Belgium uu kusii sugnaado kooxda Blues, maadaama uu qeyb ka yahay qorshaha macalinka cusub ee Maurizio Sarri.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in kooxda reer London aysan ku fekereynin iibinta Eden Hazard, laakiin waxay dooneysaa inay si dhab ah u tixgeliso dalabyada ka bilaabmaya 150 milyan euro, waana qiimo ay bixin karto Los Blancos.

Si kastaba Real Madrid ayaa xiiso wayn u qabta saxiixa Eden Hazard waxayna doonayaan inay qeyb kaga dhigtaan qorshaha kooxdooda ee xili ciyaareedka cusub si uu ugu noqdo badalka Cristiano Ronaldo oo kaga dhaqaaqay kooxda Juventus, Hazard ayaana loo balan qaaday inuu mushaar ahaan u heli doono sanadkii 15 milyan euro hadii u yimaado garoonka Santiago Bernabéu.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...