Deg Deg: Al-Shabab Oo Imika Warbaahinta La Hadashay + Arrimo Xasaasi Ah Oo Ay Ka Hadlan
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerar xooggan oo ka socda agagaarka madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu howlgal ballaaran ka wadaan inta u dhaxeysa Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyada oo ah goob ay ku shaqeeyaan madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo ay baraha Intenet-ka ku daabaceen Al-Shabaab ayaa wax ay ku sheegteen masuuliyada qaraxyadaas,balse wax faah faahin ah kama sii bixin.
“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal culus ka wada xarumaha murtadiinta ee kuyaal Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyad, howlgalka Mujaahidiinta ayaa sidii loo qorsheeyay u socda wixii faah faahin ahna dib ayaan kasoo sheegi doonnaa haddii alle idmo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Laamaha amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale dhankooda waxa ay sheegeen in ay fashiliyeen weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee manta ka dhacay agagaarka Madaxtooyada.
Sabtidii lasoo dhaafay 7,July,2018 ayey aheyd markii weerar aad u xooggan lala beegsaday xarunta Ota Ota oo ay ku shaqeeyaan wasaaradaha ammaanka iyo arrimaha gudaha dowladda Federaalka weerarkaas oo sababay dhimashada saraakiil iyo shaqaale dowladeed.
Wargane News
Xafiiska Muqdisho
Warganenewsinfo@gmail.com