Somalia: Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay Inu Hal Arrin Oo Kaliyaha Uga Fadhiyo Madaxweyne Erdogan
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga dibna ugu soo laabtay dalka ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay xooga saari doonto kordhinta wada shaqeynta kala dhexeysa dowlada Turkiga.
Farmaajo waxa uu sheegay in dowlada Turkiga ay qeyb weyn ku leedahay taariikhda dalka, waxa uuna arrin lama hiraana ku sheegay laba jibaarka xiriirka iminka kala dhexeeya dalkaas.
Farmaajo waxa uu cadeeyay in dowlada Turkiga ay uga dhow dahay dowlado badan oo dhaca qaaradaha adduunka, waxa uuna taasi ku micneeyay garabka ay ka heleen sanadihii abaarta iyo xiligaanba.
Isaga oo ka hadlaayay arrintaasi ayuu yiri “Somalia Turkiga kama fileyso dhib waxaanu ka fili karno waa keliya inay garab nagu siiso waxyaabaha qabyada naga ah”
“Dowladeydu wey ka shaqeyn doontaa sida looga faa’iideysan lahaa fursadaha ay nasiineyso dowlada turkiga si aan uga gudubno dhibaatooyinka na heysta”
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay tababarada iyo dhismooyinka isdabajooga ah oo Turkidu ay kawado Somalia, waxa uuna cadeeyay in dowladiisu aysan gudi Karin abaalka Turkiga.
Geesta kale, waxa uu ballanqaaday inay kor u qaadi doonaan xiriirka kala dhexeeya Turkiga iyadoo mar waliba laga faa’iideysan doono khibrada uu dalkaasi u leeyahay dunida.
Wargane Online
Xafiiska Muqdisho
Warganeinfo@gmail.com