Deg Deg: Xog Culus Oo La Ogaaday Maxay Ka Wada-Hadlan Siyaasi Buuba Iyo Madaxweyne Biixi + Faylkii Buubaa Oo La Halay

Date:

Deg Deg: Xog Culus Oo La Ogaaday Maxay Ka Wada-Hadlan Siyaasi Buuba Iyo Madaxweyne Biixi + Faylkii Buubaa Oo La Halay

Maxaa Ku Jiray Faylkii Madoobaa Ee Ismaaciil Buubaa Gaadhsiiyey Madaxweyne Muuse Biixi? Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii shalay xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo lagu tilmaamo maskaxdii ka dambaysay shirkii Garxajis ee lagu soo gaba gabeeyey Buurta Gacan Libaax.

Kulanka dhex maray madaxweyne muuse Biixi iyo siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa la dareemay inuu ahaa kulan miisaan leh iyada oo dadweynaha somaliland ay si weyn ugu falanqeeyeen baraha ay bulshadu ku kulanto.

Madaxtooyada somaliland ayaa dhinaceeda muhiimad gaar ah siisay faafinta sawiradii laga qaaday madaxweyne Muuse Biixi iyo Prof Ismaaciil Buubaa, taas oo aan ka bixin wax faah faahin ah.

Kulankan oo aan xilligan la filayn waxa markiiba dhegaha ka taagay taageerayaasha xisbiga Waddani oo si saluug ah u dareen celiyay inkasta oo dad badan ku talinayeenin la sugo faahfaahinta kulanka iyo in ujeedada Buubaa ugu tagay madaxweyne Muuse Biixi ay tahay inuu gacanta ka galiyo faylka madow ee uu gacanta ku hayo, kaas oo ay ku jiri karaan go’aamadii ka soo baxay shirkii Gacan Libaax oo fulintooda looga fadhiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Shakiga ah in Buubaa u socdo xil oo madaxweyne Biixi ka doonayo in uu Qaranka ugu adeego mansab wasiirnimo waxa sii adkeeyay siyaasi Cali Guray oo si weyn u difaaca siyaasadda Muuse una muuqda in uu saluugsan yahay siyaasiyiinta madaxweyne Muuse cugtay wuxuuna yidhi isaga oo kulanka boggiisa Facebook kaga faalloonaya.

“Xiligan marka aan xaaladda dalka anigu eegay waxan qabaa in Madaxwaynuhu u baahan yahay inu qaato dad isaga wax ku kordhin kara waayo waxa jira dildilaac siyaasadeed waxa jira ruxan dhinaca amniga gaar ahaan bariga dalka dhaqaale xumo siiba shaqo la’aanta gaar ahaan dhalinyarda oo iyaduna dhibaato ah. Markaa Ismaciil hadii ay is fahmaan kow ayuu ka yahay dadka wax badan ku kordhin kara Madaxwaynaha.”

kulankan oo u muuqda mid xogtiisa la adkeeyay ayaa warar laga helayaa waxay sheegayaan in dalabka kulanku ka yimid madaxweyne Biixi taas oo meesha ka saaraysa in xisbiga Waddani ama beesha Garxajis u wakiilladay Buubaa gaadhsiinta arrimaha xukumadda laga tabanayo maaddaama aanu xil hayn.

Dadka qaar ayaa aamminsan in madaxweyne Biixi uga baahday Prof Buubaa talooyin ku saabsan siyaasadda gobolka isbedelladu ka socdaan laakiin, waxa is waydiin mudan sababta muhiimadda loogu yeelay kulanku haddii uu gaar ahaa ee saxaafadda loo galiyay. In saxaafadda la galiyay kulanka waxay u muuqata in ay dan weyni ugu jirto madaxweyne Biixi marka loo eego sida madaxtooyada iyo warbaahintu u tabisay iyo waliba dadka madaxtooyada ka ag dhaw.

Kulankan oo aan si rasmi ah loo ogayn faylka madaw ee Buubaa gacanta ku sito oo faallo badan dhaliyay waxa looga fadhiya in Buubaa tafaasiil ka bixiyo. Sidoo kalena xisbiga Waddani ayay tahay in uu caddeeyo mawqifkiisa ah in Prof-ku xisbiga ku metelayay kulanka iyo in uu ahaa siyaaro gaar ah u Prof Buubaa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...