Maxbuus jeelkii Uu Ku Xidhnaa Kaga Baxsaday Diyaarad Helicopter Ah

Date:

Nin budhcad wayn ah ayaa baxsad ah ka dib markii uu diyaarad kuwa qumaatiga u kacda ah kaga baxsaday xasbi ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska. Waana markii labaad muddo saddex sano ah oo warbaahintu warinayso saddex kiis oo la xidhiidha in rag maxaabiis ahi diyaarad kaga baxsadeen xabsiyo kala duwan oo dunida ah waxaana ugu dambeeya ninkan Budhcadda ah oo la sheegay in uu diyaarad dhan oo Helicopter ah kaga baxsaday xabsi weyn oo ku yaalla duleedka magaalada Paris ee caasimadda ah.

Redoine Faid oo ah ninkan budhcadda ah ee diyaaradda ku baxsaday ayaa la sheegay in ay gacan siiyeen saddex nin oo aad u hubaysan. Kuwaasi oo u suurto galiyay in uu xabsiga ka baxsado kadibna ku duulo diyaaraddaasi.

Wargeyska La Parisian oo arrinkan wax ka qoray ayaa sheegay in Laba nin oo hubaysan oo wajiga soo qarsaday oo adeegsaday bambooyin qiiq ah iyo mashiinada wax lagu gooyo iyaga oo u dhacay qolka booqasha oo Faid uu kula hadlayay walaalkii.

Ninkii saddexaad ee hubaysnaa ayaa barxadda xabsiga ku ilaalinayay diyaaradda qumaatiga u kacda iyo duuliyaheeda oo ahaa macalin dadka bara duuliyenimada oo ay raggani soo afduubteen sidaana uu ninkaa budhacadda ahi ku baxsaday taasi oo noqotay qiso la mid ah qisooyinka laga daawado filimada khayaalka ah.

Diyaaradda ayaa u duushay dhanka Gonesse oo aan sidaa uga fogayn xabsiga, halkaas oo booliisku ay ka heleen.

Ninkan budhcadda ah ee Faid oo 46 jir ah ayaa ku xukunnaa 25 sano oo xabsi ah ka dib markii uu ku guul-darraystay dhac uu doonayay in uu gaysto oo lagu dilay askari booliis ah. Sidaasi oo wakhtigaa lagu soo xidhay laguna xukumay.

Waa markii labaad oo dad hubaysan ay xabsi u dhacaan, sannadkii 2013-kiina wuxuu ka baxsaday xabsi isaga oo afar waardiye gabaad ka dhigtay dhawr albaabna qarxiyay. Kadibna si dhib yar xabsigaasi uga fakaday.

Sida wargeysku sheegayo Fa’id iyo saddexdii nine e la shaqaynayay ee ka taageeray in uu baxsado ayay ku qaadatay nusu-saace wax ka yar in ay hawlgalkan ku fuliyaan xabsiga sidaana uu ku baxsado. Booliska ayaa wali baadi-goob ugu jira ninkan baxsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...