TOLKAYOOW GARXAJISOOW WAAN IDIN SALUUGAY SIDANA KUMA WADA JOOGI KARNEE BAL CEEBTAN ILA EEGA.
Tolkayow afxumo guul makeento, afxumo nabadna way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto, reer sheekh isaxaaq waa hal reer mana aha wax la kala qaadqaado oo loo kala abtiriyo, nimaan dhul arag oon dad baranina dhaayo la’ ayay soomaalidu tidhaahdaaye qof sidayda oo kale boholyow u qaba dadkiisa oo maraykan jooga oo waliba gobol aan soomaali joogin jooga afarta joogaana ay reer xamaryihiin oo maalinta holiday vacation ay helaana iyagu is soo raadsada oo is dugsada oo dalkooda iska waraysta oo midba midka kale u waayo sheegto walow aanay sideena isuna hiilin karin waxna is tari karin qofka arkaya ee isaga la odhanayo waa wiil yaroo qaldaan ah ama waa gabadh yaroo qaldaan ah oo in la xuso iska dhaafe laga khashaafayo in cideeda la sheego qofka arkayaa waxan oo kale ma soo qoro walaalihiina ma dulmiyo iskamana fogeeyo.
Dadkan aynu sidan u aflagaadaynaynaa waa walaalaheen siyaasaduna waa sida kubada cagta oo kale turun turada kaa soo gaadha guuldarona waxay kugu sii tukhaan tukhisaa jidka ay guushu kaa xigto.
Ama i caaya ama ila yaaba ama i amaana oo maanta runta ayaan idiin sheegayaa hadii aanan runta idiin sheegin ama aydaan aniga runta ii sheegina waxba iskuma nihin.
Waayo in badan ayaan aamusnaa oo aan aflagaadooyin noocan ah arkayay balse waa xamaasada ayaan islahaa mase ahee waa badownimo reerku dheeryahay reeraha kale ee isaaq waana midka aynaan tolkeen waxba ula qaybsan karayn marnaba ee gooni inoo saaray.
#Habarjeclo iyo #habar awal waa laba reer oo inala siman oo inala dhashay oo aan maanta hadii cadow kuu yimaado aan cidla kaaga tagayn ee nafta kula qaybsanaya waayo yaa kale ee walaalkiis ah yaa kale ee wehelkiisa ah yaa kale ee aabo wada dhalay ee ay ltaal iyo miciin bidayaan.
Aniga Oo Shukri Mujaahid Lixle aabahay waad garanaysaan oo halgankii dalkeena waad haysaan qaybtii iyo kaalintii uu kulahaa ee waajibaadkiisii muwaadunimo sidii uu uga soo baxay #habarawal, #habarjeclo #garxajis #arab #Cimraan #Toljecle #Sanbuuriyo #Ayuub iyo guud ahaanba isaaq sideedaas nin ee walaalaha ruma ah iyo tafiirtooduba looma kala hadhin.
Waxaanay ahayd waajib qaran oo ina saarnaa Aabayaasheena kuwii ay shalay u dhimanayeen hadii ay ogaan lahaayeen inay sidan isu cunataan isuna caayayaan walaahi baan ku dhaartaye dhiigooda may shubayeen maalkooda iyo naftiidana may biimeeyene nin waliba intay naftu ku jirto ubadkiisa iyo ooridiisa wuu ku filaan lahaa ama hala qaxo ama qori hala hor fadhiistee.
Aniga noloshayda sadex jeer ayey iigu darnayd laba jeer waxaan joogay #MississippiState of Alabama, inaad maqasheen mooyaane waxay xad la leedahay #Tennessee, ee gobolka Alabama ee dalkan maraykanka, marna waxa aan ahaa ardayad dhamaysatay Jaamacadda Mississippi University shahaadada sare ee master degree kadibna dalxiis ayaan ugu baxnay dalka shiinaha.
Waana markii aan tolniimada walaalnimada wax isku ahaanshaha iyo isaaqnimadaba aan ogaaday.
Ilaahay i abuurtay ee kawnkan iska leh ee i dili doona ayaan ku dhaartaye sadexda jeerba waxa ilaahay ii bixiyey rag isaaq ah oo waliba #habarjeclo ah oo marwalba iigu yimi markay soomaali kale oo aan inaga ahayn ay ka soo maqleen waar inan isaaq ah ayaa meel heblaayo lagu haystaa ficilkana looma daaro nimankaasi waa lab ilaahaybaan ku dhaartee nin geesi ah ayaa ka dhasha isaaqna doqon ma dhalo inaguna fariidnimada ayaynu ku dacaayadeyna oynu nidhaahnaa reer jaamac waal alow maan jabo iyo ilko yar iyo kidhiish isaaqna ficilkaas wuu wada leeyahay balse aniga nasiib ayaa ila kulmiyey marwalba reerkaas kamana wada sheekayn karayo dhamaan sheekooyinkaase hargaysa ayaan dhawaan imaan oo aan sida aynu isugu hiilino iyo sida aynu wax isu tarno umadaha kale ee aduunka inagula dhaqan sidaynu uga soocanahay ee aynu duriyad xalaal ah u nahay uga sheekayn doonaa.
hadaba waxa dhacday aniga maraykan ka imi ayaa niman tolkay ah ilmaadeeraday ah habarjeclo ah loo sheegay oo lagu yidhi waar inan oo maraykan ka timi ayaa Shanghai sharcigeedii niman indho yar ahi khasab kaga qaadeen lana xidhay oo suaalo lagu weydiinayaa police station hebel iyaduna waxay noo sheegtay in aan sharci loogu lahayn ee khasab lagaga qaaday laaluush iyo madax furasho ayaa laga rabaa waayo indho yar passport U.S ah ma arki karaan waxa dhacda laba nin oo reerkaas ah mar dambena i haybsan doona oo waliba ficilka ninka isaaq ee ii yimaadaaba waa iyaga isma yaqaanaan ismanay haybsan nin walbana waxa soo dhibay oo kalifay waa inan isaaq ah oo inaadeertaa ah ayaa dulmi lagu haystaa, iyagoo lacag haysta iyagoo i damiinan karaya iyagoo markay xaajadayda oo murugsan arkaya qunyar muraadadooda raacan karaya ayey u dagaalameen sidii niman dhulkoodii jooga Oo ceerigaabo caynaba burco iyo hargeysa jooga oo kale oo waliba nin yar oo dhalinyaro ah oo aad u da’yar oo markaana hargeisa ka yimi shaqona u joogay meesha oo aan idin tusi karayo uu si xun police station dhaxdii ugu garaacay Commander kii P.Station ka haystay isaga iyo ninkii kaleba aanay waxbaba u habran kana habran waxana waxkasta kala waynaa waar inan inaadeertiin ah intii jeel lagu jidh dili lahaa lagu bahdililahaa lagu faro xumayn lahaa adiguna aad raaxaysan lahayd shar la’aan iska seexan lahayd alaylehe ha seexan naftaada dul dhig inaadeertaa oo caar ah lacagta aad baad uga bixin lahaydna iyada sii tu kalena ugu dar waliba kuna dhirbaax hadii ay qaadan waydo kaana diido waxa aad siisay, waxa intaas u sii dheer goorta ay ku waydiiyaan isaaq cida aad ka tahay oo dheer oo dhib leh walaahi ninkale oo 7da isaaq ee kale kamid ahina hadii goobtaas joogo inaadeertii Oo inan la dulmayo ah walaahi kama tageen inkastoo ficilka iyo kulaylka lagu kala badanyahay hadana isaaq ma kala dhaco arrin noocaas ahna ninaba ma qaateen.
Maalinba maalin ka daran tolkayna wuu joogay balse isaaqnimo iyo damiirkaasi toona ma shaqayn nin habarawal ahina meelahaas kama dhaweyn, nin arab ahina kama dhaweyn nin Cimraan ahina kama dhaweyn nin ayuub ah nin toljecle ah iyo nin sambuur ah iyo nin garxajis ahitoona kama dhaweyn waanan ogahay waa inaadeerkay waxna igama hagradeen.
Garxajisoow runtu waxay tahay dadkani waa walaaladeen inala dhashay waa dadkeenii waa #abtiyaasheen waa #adeeradeen #habaryaro #habarwadaag & #ilmaabtiba aynu nahay oo hablahooda aynu qabno hablaheenna qaba oo ilaahay iskeen biday meelna aynaan ku kala tagayne aynu inagu siyaasada soo baranee la inagaga horeeyee halkaase.
Cayna inagama gayaan habarjeclo iyo habarawaltoona waana dad laab xaadhan beriba ilmaadeerayaal nala hinjiya kursiga hadaynu nidhaahno waa xabkaas inay labaduba ina soo raacane yaa inoo taag helaya oo dadkeena iskeen fahamsiinaya.
Labada midkoodna kama badnid tiro ahaan kamana xiniiyo badnid kamana geesisanid kamana wanaagsanide isaaq wuu is yaqaanaa isumana hanjabi karoo waa la iska keen celin markaas ayaad wadada mari adigoo bahdilan walibee tolkeen ha inagu dirana oo yaynaan colaysan waayo colaad waxba kaga qaadi mayno wanaag mooyaane, hadafkoodiina way gaadheen, xujaa lagu yidhi maxaad dameerkaagan dhuusada badan uga degi wayday markaas ayuu ku jawaabay dameer aan saarnahay dhuusadiisu waxba igama qaadayso markaa iyagu umaba jeedaan caydeena ee dantooda ayay haystaan cadowna intaas may dhagaysteene mar hore ayay dhiiga dhagta u dari lahaayeen dameerina waxay hooyadeed dabada uga nuugtaa waa isku halayne midkaas ogaada, arinkuna afxumo marayne siyaasad ayay taagnayd tiina la inagaga adkaa.
Runtaa waxay tagay isaaq farihiisuba waa sadexdaas reer hadii ay laba mid isu raacaana walaahi somaliland ta kale oo dhami kafayn mayso inay isku dharariyaan.
Tolkayoow xasarad kuma wada soconayno umana malaynayo anigoo gabadh ah inaan garxajis wax u sheegi karee waa iga talo waar ilmaadeerayaal waxan aad baraha bulshada la dhex socotaani waa ceeb gar iyo dawna tolkeen uguma lihine sidan aynu wax ka badalno reerkuna uma dhamee midka xunnee magaceena dilaya aynu meel uga soo wada jeedsano oo yaan la ina odhan libaaxii goormuu bisad ka caqli iyo ficilba yaraaday.
AHUN gaariye wuxuu yidhi wixii laga dagaalamay wax u dooriyaan jirin maanta hadii aabayaasheen qabriga message loogu dhaafi lahaa in kuway u dhimanayeen cadow iyo nacaba isu jabinayaan waxay ka qoomameyn lahaayeen halaagii naftooda oo macaan ay u soo galeen kuwii dhabarka lagu siday iyo kuwii uurka lagu siday iyo kuwii aan laba unkin ee dhuuxa aabayaashood ku jiray.
Waayo iyagu qabiil may ahayne wada walaalo isku kalsoon iyo tol is jecel ayey ahaayeen ficil iyo karti ayaanay meelwalba ku gaadheen kuna burburiyeen dowladii labaad ee afrika ugu awooda badnayd oo waliba ahayd dowlad ciidankeedu dhisanyahay oo militery ah weliba kaligii taliyena haystay ayay iyagoo 8 nin oo walaalo ah isku raaceen kuna burburiyeen adduunka ilaahayna wali wax lamid ah oo la ficil ahi kamay dhalan lamana arage soo akhrista madxafyada record ka laga diwaangeliyey dagaalkii waagaas libraries ka dunida.
Ha is odhanina malaha reerahaa ayaa qaba naagi cidna maahee walaahi bilaahi ilaahay ayaan magaciisa ku dhaartaye garxajis mooyaane isaaq kale meelna kama soo galo laangaabka la sheegaana waa aniga oo shukri maxamed xaashir diiriye ah.
hmmmmmm, markii aan qoraalkan qorayey waan ciil qoray waan cadho qoray waanan ku dul ooyay saacado badan muraara dilaac ayaan idinkula dhacay hadan idinku qaldamay walaashiin oo idin garab iyo hiil canaanatay ayaan ahay igana raali ahaada cida aan idiin karbaashayaa waa walaalihiin dadna idiin xigee dhawrta ninka ehelkiisa ku kibrana waxa iman maalin uun ka shalaayi doono oo iyadoo cid kale bahdilayso aan wax us ka yidhaahda iyo wax ka waabiya toona aanay jiri doonin tolkeena wanaagu wuu ka muuqda oo inaga guulayste cay iyo ceebna la inooguma darin gobanimadu waataas hadiise ay ku dari lahaayeen jeegaantu gunimo ayay ahaan lahayd.
Jeegaantana waxaan talo ku siin lahaa dal dimuquraadi ah ayaynu u baahanaye dal qabiil uma baahnine ilmaadeerayaaloow Khiyaamadii dacawada ayaa hore khaati looga taagnaa oo dalka rogtaye khiyaamadii isha la isku qabanayey ee ilyaro galbeed dalka ha ugu darina ilayn hadii aad jeegaan ku noqotaan labadaas khiyaamo waa mushkilad aan laga soo kaban karayne jeegaaneey dalkana iskuba shushubta oo bal waanu idiin daba fadhiisan doonaa intaas naga soo fulaysaane ogaada in dalka la inala leeyahay oo qabiilka meesha ka saara mab’dana ku bedela in la isku doorto darafyadana ha dayacinee soo dhaweeya qaybtiina tu leegna hada waa ta isaaq tu leegna dhulbahante, warsangeli, samaroon, ciise, fiqishine, akishe, madigaan iyo gabooyeba ka siiya.
Shukri Mujaahid Lixle
WA BILAAHI TIWFIIQ