Safiirka Maraykanka Ee Addis Ababa Oo La Weydiiyay Aragtidooda Heshiiska Dekedda Berbera Ee Dhex Maray Somaliland, Itoobiya Iyo Dp World

Date:

Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya danjire Ambassador Mike Raynor, ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan aragtida Maraykanka ee heshiiska sannadkan dhex maray Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP world ee ah saamiga 19% ee ay Itoobiya ku yeelanayso maalgelinta dekedda Berbera.

Danjire Mike, oo uu u waramay wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa waxa la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa, aragtida dawladda Maraykanka ee heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland, Itoobiya iyo DP world ee ah saamiga Itoobiya ee dekedda Berbera ee 19%, waxaanu safiirka Maraykanka ahi yidhi “Runtii arrintaas aragti kama lihin. Itoobiya waa in ay garato, waxa macno u samaynaya danaheeda gaarka ah, iyo xidhiidhada ay la yeelanayso gobalka. Laakiin, arrintu ma’aha wax u yaalla in ay dawladda Maraykanku mawqif gaar ah ka yeelato.”

Safiirkan, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay dawladda Maraykanku la dhacsantahay talaaboyinka isbedel ee uu ilaa hadda qaaday raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaanu sheegay in Maraykanku sidoo kale diyaar u yahay inuu gacan ka gaysto sidii loo sii wadi lahaa wada hadalka nabadeed ee u bilaabmay Itoobiya iyo Ereteriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...