Warbaahinta Inner City Press ayaa afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wax ka waydiisay mawqifka xoghaye Antonio Guterres ee cabashada madaxweynaha Somaliland ka muujiyay xoghayihiisa Somaliland iyo Somalia Mr Michael Keating waxaanu ku jawaabay in aanu warqaddaasi ka war qabin.
Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan warqad u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr Guterres waxaanu Danjire Keating ku eedeeyay in uu Soomaaliya la saftay marka la eego xiisadda ka taaggan degmada Tukaraq ee gobolka Sool isaga oo soo xiganaya warqad Keating u soo diray Somaliland. Warqadda Keating ayaa xambaarsanayd in Soomaaliya oo soo kabanaysa xilligan u baahnayn dagaal iyo dad hor leh oo dhinta iyada oo loo fahmay in eedda xiisadda Tukaraq ay dusha ka saarayso Somaliland.
Afhayeenka Guterres Mr Stephane Dujarric oo shalay la waydiiyay in xoghayuhu helay warqadda madaxweyne Biixi ee ka dhanka ah Mr Keating iyo haddii uu helay in uu ka jawaabay waxa uu yidhi sida lagu qorey Sayruuqnews oo ay warbaahinta Barigaafrikanews warkan ka soo xiganeyso “Maya, anigu kama warqabo warqaddaasi, laakiin xoghayaha guud kalsooni buuxda ayuu ku qaba Danjire Michael Keating iyo habka uu shaqadiisa u wadaba,” Sidaas ayuu yidhi Mr Dujarric.
Wakiilka Mr Guterres u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Michael Keating ayaa la filaya in dhawaan uu shaqada ka tago maaddaama muddo xileedkiisu dhammaanayo waxaana la sheegay in aan wakhti loo kordhin doonin. Wakiilkan Ingiriiska ah ayay Somaliland ku eedaysay in aanu dhexdhexaad ka ahayn arrimaha ka dhexeeya Somaliland iyo Somalia, halka Somali hore ugu eedaysay in uu warbixino aan xaqiiqda ka turmayn uga gudbiyo Soomaaliya fagaareyaasha caalamiga ah.