Inkasta Oo Uu Wakhtiyo Badan Dhiigga Ka Daadiyey Haddana Isaga Oo Itaal Daran Ayuu Sawirkan Sababtiisa Shaqadii Isaga Casilay!

Date:

Ruux kastaaba inta uu noolyahay waxa soo food saara arimo badan, waxa soo mara xilliyo adag, iyada oo ay sidaas u taalo nolosheenu laguna tilmaamo caadi, inta badan waxa aynu ka sii qaadnaa dhabar adayg iyo dhiiranaan, dhinaca kalena marmarka qaar ayaa qofka waxa soo food saara daqiiqado noloshiisa inta hadhay saamayn ku yeelata, lagana yaabo in ay tin iyo cidhib noloshiisa baddasho, taasina waa waxa ku dhacay ninkan reer Spain ee la lagdami jiray dibiyada oo loogu yeedho  Torrero Morerra, kaasi oo si kama dambays ah uga fadhiistay ciyaartan kadib markii uu inbadan soo ciyaarayay ciyaartan halista badan ee dibiga.

Morerra marnaba niyadiisa kumay soo dhicin in uu dibi sabab u noqon doono in ay is badasho noloshiisu, isaga oo aad u jeclaa ciyaartan una ciyaaray si aan naxaariis lahayn wakhti aad u dheer, hase ahaatee tolow waa maxay sababta uu markii hore uga fadhiisan waayay isaga oo mindiyahiisa iyo warmihiisa qotada dheer kutaagi jiray dibiyadaas uu ku ciyaarayo?

Jawaabtu waxay tahay nolosha binu aadamka ayaa noocaas  iska ah, Morerra naftiisu waxa toostay kadib markii uu arkay in uu hoos joogo naxariista dibigii uu mindiyaha iyo warammada dhabarka ka taag taagay isaga oo ciyaar ka dhiganayay, dibiga ayaa indhihiisa ku eegay kuna qabtay meel koone ah.

Eegmadaas naxariistu ay ka buuxdo ee kasoo burqanaysa indhaha Dibigan ayaa baddal u ahayd dhibaatooyinkii aadka u badnaa iyo dhiigii u ka daadiyay ninkani, isaga oo intuu dul istaagay la moodo in uu leeyahay “Morerra, xayawaankii aad dhiigiisa sidaas u daadisay dhabarkiisana mindiyaha ka taag taagtay wax dhibaato ah kuma gaadhsiin doono, sidii  aad adigu u dhibtay, kaamana aargoosan doono”.

Isla markii uu arinkani dhacay ayaa Morerra intuu kasoo kacay bartii uu fadhiyay uu iska casilay ciyaartan aadka u naxariista daran, isaga oo ku biiray dadka u dooda dibida dhibaatooyinka loo gaysto, waxaanu sheegay in uu dareemay sida uu u taag daran yahay binu aadamku iyo kibirkiisa.

Dhacdadan qiimaha badan ayaa waxa aynu ka faa’iidaysanaynaa dhibaatada uu leeyahay kibir-ku iyo faa’iidada ay leedahay in aad iska illawdo wixii lagugu sameeyay dadkana aad saamaxdid si aad ugu yaraan u noqoto ka la dhibaateeyey balse isagu qaatay go’aanka geesinimada ah ee saamaxaadda. Ciyaarta dibiga ayaa dalka Spain dhaqan ahaan uga jirtay muddo kumannaan sano ah waxaana wakhtigan jira ururo u doodda in ciyaartaasi la baabi’iyo inkasta oo aanay wali ku guulaysan ololahooda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...