Arsenal oo qandaraaska u kordhisay khadkeeda dhexe Granit Xhaka

Date:

Arsenal ayaa waxay si rasmi ah u shaacisay in qandaraas cusub oo waqti dheer ka saxiixatay Granit Xhaka. Kadib qaab ciyareedkii wanaagsanaa uu Gunners kusoo bandhigay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

25-jirkaan ayaa sabab u ahaa in Gunners uu soo caga dhigto laba sano kahor macalinkii hore ee kooxda Arsene Wenger, balse wuxuu muujiyay awoodiisa ciyaareed iyadoo ay Arsenal kasoo bixisay aduun dhan 35 milyan oo ginni.

Granit Xhaka ayaa wuxuu kaga soo biiray Arsenal kooxda Borussia Moenchengladbach bishii May May 2016, wuxuuna haatan ka mid noqday xidigaha ugu muhiimsan Gunners.

Inkastoo uu Torreiria imaanayo hadana Emery wuxuu aaminsan yahay in Xhaka uu qeyb ka noqon doono qorshihiisa xilli ciyaareedka soo aadan.

“Waxaan ku faraxsanahay in Granit Xhaka uu nala sii joogi doono”.

“Waa ciyaaryahan muhim ah oo kooxda ka mid ah, weli wuu da ‘yar yahay, wuxuuna sii sameyn karaa hormar”.

“Waxaan rajeynayaa inuu kula guuleysan doono Switzerland Koobka Adduunka, si uu dib nagula soo laabto qaab ciyaareed cajiib ah xili ciyaareedka cusub”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...