Hoggaamiyaha Guud Ee Al Shabaab Abu Cubeyda Oo Laga Helay Cudurka Kansarka Iyo Xaaladdiisa Caafimaad Oo Liidata

Date:

Warbixin uu daabacay  Wargeyska The Star ayaa lagu sheegay in ay liidato xaaladda caafimaad ee hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab Abu Cubeyda oo la xaqiijiyey in uu la ildaran yahay cudurka kansarka oo caloosha ka asiibay.

6-dii bilood ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in xaaladda hoggaamiyaha Al-shabaab ay ka soo daraysay, waxaana wararku ay tilmaamayaan  in cudurka kansarka  uu  ku sii fidayo  qeybaha kala duwan ee guddaha calooshiisa, sida uu X
Xaqiijiyey Wargeyska The Star oo baaritaan ku sameeyey wararka la xidhiidha xaaladda Abuu Cubeyda.

Abuu Cubeyda ayaa hadda u muuqda in uu yahay mid ka rajo dhigay in uu sii hayo xilka ugu sarreeya Al-shabaab oo uu qabtay sannadkii 2014-kii  kadib markii  duqeyn lagu dilay hoggaamiyihii ka horeeyey  ee Al-shabaab Ahmed Cabdi Godane.

Wargeyska ayaa sidoo kale  sheegay in Abuu Cubeyda Mudooyinkii danbe uusan wax saameyn ah ku la heyn talada iyo dhaqdhaqaayada  Al-shabaab kadib markii cudurka dilaaga ah ee  kansarka oo caloosha uga dhacay uu soo ritay.

Ku-xigeenadda  hoggaamiyaha Al-shabaab Abuu Cubeyda ayaa la wareegey howlihiisa si ay isku hayahaani qeybaha kala duwan ee ururka ilaa inta laga xaqiijinayo in uu geeriyooday.

Warbixintaan uu soo saaray Wareyska the Star ayaa lagu sheegay in xubnaha gollaha shuurada Al-shabaab ay labo u kala Jabeen kadib markii ay sii xumaatay xaaladda caafimaad Abuu Cubeyda, kuwaasi oo qaarkood ay dalbadeen in xilka laga qaado islamarkaana la soo magacaabo hoggaamiyaha cusub ee badelaya Cubeyda.

Dhanka kale Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa xusay inay xubnaha Al-shabaab ee ka soo jeeday qabaa’ilka Hawiye ay hoggaamiye u magacowdeen Hassan Fiidow oo galaya booskii Abuu Cubeyda halka xubnaha ka soo jeeda Qabaa’ilka Daarood ay dalbadeen in waqtigaaban talo lagu soo Magacaabo, hoggaamiye Cusub oo la wareegay Hogaanka Al-shabaab, taalbooyinkaas oo sii kala fogeeyey labada garab ee Al-shabaab.

Warbixintu ayaa  intaas ku siidaraysa in Mahat Karate oo ahaa madaxii hore ee sirdoonka Al-shabaab uu isku dayey in uu Afganbi ku la  wareego Hogaanka Al-shabaab.

Abuu Cubeyda ayaa lagu tilmaamayaa  in uu yahay nin  aan Mayal adkeyn,sida  hoggaamiyaashii Al-shabaab ee ka horeeyey, taasi oo ka dhigan in uu yahay shaqsigii ugu hoggaanka xumaa ee soo mara Al-shabaab.

Wixii ka danbeeyey xasuuqii 14-kii Oktoobar sanadkii 2017, ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho waxaa soo baxayey warar sheegaya in uu xanuunsan yahay hoggaamiyaha Al-shabaab Abuu Cubeyda, waxaana soo Ifbaxay khilaaf soo kala dhexgalay golaha Shuurada Al-shabaab.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...