Deg Deg: Ciidamada Amaanka Muqdisho Oo Imika Dil Toogasho Ka Fuliyey Magaalada Muqdisho + Cida Ay Dilen
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa xalay toogasho ku dilay nin ka tirsanaa Al shabaab oo weerar ku qaaday askar ka tirsan ciidamada.
Ciidamada dowladda ayaa ku toogtay ninkan xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne kaddib markii uu rasaas ku weeraray Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.
Carab Yuusuf Nuur oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay toogteen ninkan kadib markii uu dhaawacay askari ka tirsan ciidamada.
Ciidamada dowlada ayaa ku jira foojignaan dheeraad ah inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan oo Al-shabaab inta badan ay kordhiyaan weerarrada.