Jig-Jiga Oo Laga Furay Xarun Cusub Oo Lagu Bixin Doono Passaporta Itoobiye
Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xadhiga ka jaray xarun lagu bixin doono Baasaaboorka iyo Jinsiyaddaha Ethiopia oo hore loogu doonan jiray Magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhaba.
Deegaankeena soomaalida Ethiopia Shalay halkii uu taagnaa iyo maanta halka uu taagan yahay, Waxaa Tusaale u ah xafladan aan maanta isugu nimid oo ah baahi ay shacabka Soomaalida Ethiopia u qabeen, waxa aad ka war haysaan in qofka Bani aadamka ahi aanu sharci la’aan dhaqdhaqaaqi Karin, sharci la’aan meelnaba uma bixi karo” Ayuu yidhi Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Waxa uu intaasi ku daray in maanta laga bilaabo Magaaladda Jigjiga laga heli doono Baasaaboorka Dalka Ethiopia oo markii hore loo doonan jiray Magaalooyin aad uga durugsan Jigjiga
“Berigii hore dhib ayaa ka qabsan jirtay dadka deegaanka soomaalida Ethiopia in ay helaan Baasaaboorka Ethiopia, waayo in uu ka yimaado Goday oo kale ayuu jigjiga iman jiray, markaas buu u sii dhaafi jiray Addis Ababa ama Diridhaba, laakiin maanta si dhib yar ayuu uga helayaa Magaaladda Jigjiga” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar