Deg Deg: Tababaaha Xulka Spain Oo La Filayo In Laga Caydhinayo Shaqada Xulka Ka Hor Bilawga World Cupka

Date:

Tababaraha xulka Spain Julen Lopetegui ayaa laga yaabaa in shaqada ceyriyo maalin ka hor bilaabashada koobka Aduunka, waxeyna sheekadaan daba socotaa go’aankii ay Real Madrid shalay ku xaqiijisay inuu noqonayo macalinka u badalaya Zinedine Zidane.

Madaxweynaha cusub ee xiriirka kubadda cagta Spain Luis Rubiales iyo sidoo kale Julen Lopetegui ayaa saxaafadda la hadli doona maanta oo arbaco ah, waxaana laga hadli doonaa sida ay xaaladda noqon doonto 5-ta isbuuc ee soo aadan hadii la wada joogayo iyo hadii macalinkaan uu shaqada weynayo.

Rubiales wuxuu horay u shaaciyay inuu ka careysan yahay isla markaana aysan aheyn wax la qaadan karo in Los Blancos ay u magacaabaan macalinkooda xiga 21-maalmood kadib markii uu heshiiska u kordhiyay qaranka.

Cabsida heysa xiriirka kubadda cagta Spain ayaa ah iney kala qeybsanaan ka dhacdo qolka labiska qaranka mudada koobka Aduunka, isla markaana ay habooneyd kooxda caasimadda ka dhisan ilaa dhamaadka tartanka.

Real Madrid ayaa shalay barteeda twitter-ka ku xaqiijisay in Julen Lopetegui uu yahay macalinka xiga ee badalaya Zinedine Zidane oo si layaab leh kooxda uga baxay 5-maalmood kadib markii uu u qaaday koobkii 13-aad ee horyaalada yurub.

Si kastaba go’aanka la gaari doona lama oga, balse waxaa laga cabsi qabaa in La Roja uu leyliyo macalin cusub mudada koobka Aduunka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...