Waxaa la xiray nin looga shakisan yahay in uu dilay hal ruux dhaawacayna labo kale isaga oo ku weeraray mindi rakaab saarnaa mid ka mid ah tareennada aadka u dheereeya ee dalka Japan, sida ay booliisku sheegeen.
Tooriyayntan ayaa dhacday 22:00 saac ee Sabtida xiliga dalka Japan, tareenka ayaana u kala safrayay Tokyo iyo Osaka.
Booliiska ayaa ninkan ku xiray boosteejada Odawara.
Tareenka waxaa saarnaa in kabadan 800 oo rakaab ah marka uu weerarkaasi dhacayay.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in nin luqunta laga dhaawacay oo isbitaal loola cararay uu u dhintay dhaawacii. Labada ruux ee kale oo dhaawac ahna waa dumar sida ay warbaahinta guduhu ku warrantay.
Siday wax u dhaceen dhacay?
Qofka laga shakisan waxaa magaciisa lagu sheegay Ichiro Kojima oo 22 jir ah, isaga oo haysto in uu dil isku dayay, sida uu taliyaha booliiska deegaankaas u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Kojima ayaa sheegay in uusan dadka kala xulanin ee uu tooriyaynta iskaga billaabay “isaga oo wata shay dhawr af oo fiiqan leh”, sida ay ku warrantay warbaahinta Japan ee NHK.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dadku ay aad u murugoodeen iyaga oo argagaxsanna ay isku dayeen in ay ka baxsadaan tareenka.