Wargeysyada dalka England ayaa waxay shaaca ka qaadeen sababta ugu weyn uu Mauricio Pochettino isaga diiday shaqada kooxda Real Madrid si uu u noqdo badalka Zinedine Zidane.
Sida laga soo xiganayo wargeyska “Daily Mail” ee dalka England Mauricio Pochettino ayaa doonayay inuu tababare ka noqdo Real Madrid isagoo si sir ah wada hadalo ula furtay maamulka kooxda reer Spain.
Balse Mauricio Pochettino ayaa go’aansaday sii joogista kooxda Tottenham Hotspur, sababa la xiriira cabsi uu ka qabo in lagu tilmaamo “calooshiis u shaqeyste”, ka dib markii uu qandaraaska u cusbooneysiiyay Spurs maalmo yar kahor kaasoo gaaraya ilaa iyo 2023.
Tababaraha reer Argentine ayaa xidigaha Tottenham kala hadlay ciyaartoyda kooxdiisa inuu door bidayo sii joogi taanka kooxdiisa Tottenham Hotspur.
Sidoo kale Mauricio Pochettino ayaa ogaa sidoo kale sida ay u adag tahay in madaxweynaha kooxda Tottenham Hotspur, Daniel Levy uusan si sahlan ku ogolaan doonin in uu kooxda ka dhaqaaqo.