Wararka ka imanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe halkaa weerar culus ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab sida ay uu warbaahinta u sheegay abaanduulaha guutada 10aad.
Cismaan Sheekh Cabdi (Qorax) oo ah abaanduulaha guutada 10aad ayaa sheegay in raggii weerarka soo qaaday iska caabiyeen oo halkaa ku jabeen.
Wuxuu sheegay dagaalkaasi in uu kaga dhintay Hal askari, halka ay kaga dhaawacmeen ilaa Saddex askari oo kale, wuxuu tilmaamay Al-Shabaab dagaalkaasi in ay kaga dileen in ka badan 10 dagaalame.
“Waxaa ay weerarka soo qaadeen saqdii dhexe ee xalay waqtigii Saxuurta, waxaana ay weerar ku soo qaadeen Aagga Buundada, nimanka halkaasi way ku jabeen, anaga khasaaraha na soo gaaray wuu kooban yahay Hal askari oo dhimasho ah iyo Saddex dhaawac ah, dhankooda Toban Argagixiso ka badan ayaan ka dilnay.” ayuu yiri Abaanduulaha.
Sidoo kale Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Guutada 10-aad Cismaan Sheekh Cabdi (Qorax) ayaa waxa uu sheegay in dagaalkan ay ku qabteen nin nool oo Shabaab ka tirsan iyo hub fara badan.
Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegtay in weerar madaafiic iyo rasaas culus ku bilowday in ay ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland, waxeyna Al-shabaab sheegeen inta uu dagaalku socday in ay la wareegeen saldhig millitari.