Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galaan Madaxda ugu sareysa dalka, Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo gobolka Banaadir.
Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah amniga dalka, hanaanka doorashooyinka 2020, federaaleynta, isku dhafka iyo tayeynta dastuurka iyo qodobo kale.
Shirkan ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee ay isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka oo ay xubno ka yihiin Madaxda dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa imanaya xili madmadow siyaasadeed uu u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka oo dhawaan eedeymo u jeediyay dowladda federaalka.