Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa iska fogeeyay shaqada tababarenimo ee xulkiisa Portugal.
Mourinho ayaa sheegay inuu jecel yahay in isbuuc walba uu ciyaaro sababtaas darteed ayuuna u diiday kulamada soo boodada ah ee xulalka.
Wuxuu sheegay in xulkiisu uu awoodo inuu si wayn ugu tartamo koobka adduunka maadaama uu joogo Cristiano Ronaldo.
“Uma dhawi tababarida xulka Portugal waqtigaan, waxaan doorbidayaa tababarida kooxaha waayo waxaan u baahanahay inaan ciyaaro isbuuc walba isla markaana aan tababare ahaado maalin walba” ayuu yiri Jose Mourinho.
Mourinho ayaa la waydiiyay awooda xulkiisu uu ugu tartami karo koobka adduunka, wuxuuna yiri:
“Waxaan rumaysanahay in joogi taanka Ronaldo uu ka dhigayo xulka mid si wayn ugu tartama koobka adduunka ee Ruushka”.
“Ciyaartoyda Ronaldo iyo Messi oo kale ah waxay awoodaa inay xoojiyaan kooxahooda, sidaas darteed waxaan rumaysanahay in Portugal iyo Argentina ay soo bandhigi doonaan qaab ciyaareed fiican”.
“Ma dhihi karo waan ku guulaysanaynaa koobka adduunka, laakiin waqtigaan waan awoodnaa inaan garaacno koox walba”.