Madaxweynaha xiriirka kubada cagta dalka France Noel Le Graet ayaa soo dhaweeyay fikirka uu Zidane macalin ugu noqon karo xulka qaranka France, si uu shaqada kaga badalo Didier Deschamps.
Zidane ayaa si layaab leh shaqada Real Madrid isaga casilay khamiistii lasoo dhaafay, waxaana durbaba soo baxday warar ku aadan in Zinedine Zidane uu leylin doono xulka faransiiska. Laakiin waxaa arintan ka hadlay Noel Le Graet
“kama hadli karo mustaqbalka, balse wuxuu leeyahay xusuuso gaar iyo xirfad shao ee aan murun la galin Karin, Zidane si wanaagsan ayay u soo dhaweeyeen ra’ayiga dadweynaha, natiijooyinka ayaana ka tarjumaya, laakiin kuma jiro qorshaheena ilaa iyo sanada 2022”.
“Deschamps wuxuu saxiixay qandaraas ilaa sanadka 2020, shaqadiisa si ammaan ah ayuu u gudanayaa, waxaan ka hadleeno waa kaliya suurtagalnimada uu Zinedine Zidane ku imaan karo, ee ma ahan mid quseeya qorshaheena xiligan”.
“Zinedine Zidane ayaan la saxiixan kara beri, laakiin cidna ma oga waxa dhici kara. Didier Deschamps kadib toban sano, waan arki doonaa waxa dhaca”.