Deg Deg: Madaxweyne Muuse Oo Amar Culus Siiyey Talisyada Qalabka Ciidanka Side Kadib Markii Ay Taliyaal La Soo Saften Beesha Ay Ka Soo Jeedan (Nuxurka Halkan Ka Akhriso)
Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muus Biixi Cabdi ayaa faray Taliyayaasha kala duwan ciidanka qalabka sidda amar uu ku farayo in la soo badal saraakiisha joogtay gobolka Sanaag ee ka tirsan ciidamada Somaliland loona soo badalo Hargaysa, iyo Boorama.
Saraakiishan la soo badalayo ayaa ah kuwa ka soo jeeda Beelaha Habar-jeclo iyo Habar-yoonis waxaana ay talaabadani ka dambaysay markii saraakiil kala duwan ay si caadifadaysan ay ula kala safteen Dagaalka ka dhexeeyay Beelaha Walaalaha ah ee wadda daga Deegaanka Ceel-afwayn,
Taas badalkeeda ayaa waxaa halkaasi la gaynayaa saraakiisha ka soo jeeda gobalada Galeedka dalka.
Dhawaan ayay ahayd markii la arkay Saraakiil sarre oo ka tirsan Ciidanka Milatariga kuwaas oo ku tiraabayay in beeshooda ay soo raacayaan.
Talaabadan ayaa ay Xukuamaddu u aragtay in ay qayb ka qaadanayo Daminta Colaada Ceel-afwayn.
Dhinaca kale warka ayaa intaasi ku daraya in Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin “Tiimabaro” uu dalbaday la badalo saraakiisa u dhalatay Gobolkaasi ee ku sugan halkaasi si xal waara loo gaadho
Amarkan ayaa waxaa noo xaqiijiyay Mid ka mid ah talisyada Ciidanka Qalabka sidda ee Waddanka.