Dhaqtarka Liverpool oo ka nixiyay taageerayaasha xulka Masar (Muxuu ka yiri dhaawaca Salah)

Date:

Mid kamid ah dhaqaatiirta kooxda Liverpool ayaa ka nixiyay taageerayaasha xulka qaranka Masar ka hor koobka adduunka.

Salah ayaa haatan ku sugan magaalada Madrid, halkaas ayuu ku marayaa maanta baaritaan dheeri ah si loo hubiyo waqtiga rasmiga ah ee uu maqnaanayo.

Mid kamid ah dhaqaatiirta Liverpool ayaa xaqiijiyay in Salah uu garoomada ka maqnaanayo ku dhawaad 3 ilaa iyo 4-isbuuc taas oo ka dhigan inuu seegi doono wareega guruubyada koobka adduunka oo haddii xulka la reebo ay ka dhigan tahay inuu seegayo koobka.

“Markii aan ogaanay dhaawaca waxaan bilownay inaan ka shaqayno soo kabashadiisa, aad ayuu uga murugaysan yahay wixii ku dhacay, laakiin waxaa u muuqda sidii uu ku soo caafimaadi lahaa isla markaana uu diyaar u noqon lahaa” ayuu yiri dhaqtarka.

“Waa la go’aaminayaa waqtiga uu soo caafimaadayo, waxay u badan tahay 3 ilaa 4 isbuuc inuu u baahdo, laakiin waxaan isku dayi doonaa inaan soo yareyno farqigaas, taas ayaana haatan noo ah hadafkeena ugu wayn”.

Waxaa xaqiiq ah in Mohamed Salah uu seegayo kulanka ugu horeeya wareega guruubyada oo xulkiisu uu la ciyaarayo xulka qaranka Uruguay, laakiin waxaa loo diyaarinayaa sidii uu taam ugu noqon lahaa kulamada Sucuudiga iyo Ruushka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...