Deg Deg: Qaramada Midoobay Oo U Balan Qaaday Inay Taageero Buuxda Siin Doonan Maamulka Puntland

Date:

Deg Deg: Qaramada Midoobay Oo U Balan Qaaday Inay Taageero Buuxda Siin Doonan Maamulka Puntland

Wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay iyo hay’adaha taageerra Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaana xarunta madaxtooyada Puntland ee ku taalla dulleedka Garoowe ku qaabilay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Warsaxaafadeed ay baahisay madaxtooyada Puntland ayaa lugu sheegay madaxweyne Cabdiweli iyo wafdiga oo u hoggaaminayay Peter De Clercq ku-xigeenka wakiilka xogyaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya inay ka wadahadleen arrimaha bani’aadanimda iyo xuquuqda dadka tabaallaysan ee roobabka duufaannada wata iyo abaaruhu aafeeyeen, kuwaas oo roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay Soomaaliya iyo waddamo badan oo deriska ah barakac baahsan iyo waxyeello u geysteen.

Peter De Clercg ayaa u sheegay madaxweynaha Puntland inuu haatana u yimid siddii ay ugu kuur- geli lahaayeen xaaladda dadka reer guuraaga ah iyo kuwa ku teedsan dhul xeebadka Puntland ee duufaannadii iyo roobabku halakeeyeen, islamar’ahaantaanaa ay wax uga oggaan lahaayeen xaaladda bai’aadanimo iyo raadkii abaarahu ka tageen, wuxuu marka ballanqaaday Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale in ay iska kaashan doonan siddii taageerro dheerad ah loogu heli lahaa Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo marka hore ka mahadceliyay booqashada ah wafdiga ku soo gaareen Puntland ayaa u sheegay in roobabkii duufaannada watay ee ka da’ay Puntland ay dad wax yeeleeyeen, Puntland-na ay ka gurmatay amuurtaasi intii taagteeda ah, balse khasaaraha dhabta ah si loo oggaado ay Puntland u xilsaartay xeel dheerayayaal xaqiiqo raadiyeyaal ah oo kasoo warbixiya raadadka abaaruhu ka tageen iyo khasaaraha ay geysteen duufaannada iyo roobabkii isku lamaanaa.

Madaxa xafiiska (OCHA) Mr. Justin Brady iyo Agaasimaha ROLSIG (UNSOM) Mr. Staffa Tillander iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan UNSOM iyo UNDP ayaa qeyb ka ahaa wafdiga maanta gaaray magaalada Garoowe, waxaana horey wafdiga uu u tagay magaalada Hargeysa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...