Waa Shan Madaxweyne oo SOOMAALI ah,
Shantan Madaxweyne sidee bay u kala Mudanyihiin, waa Aragti Suxufi.
– waxaan rabaa in aan is dul-taago Maqaamka iyo Miisaanka ay kala leeyihiin shantan madaxweyne ee Soomaalida ahi, ugu horayn Sadex ka mid ahi waxa ay maamulaan 3 dal oo mid kastaaba iskii u madax-banaan yahay waana Jabuuti, Somalia, iyo Somaliland sadexdaas dal iyagaa si iskood ah isku maamula lkn labada kale ee DDSI iyo Puntland waa laba maamul oo leh madaxweyne iyo xukuumado lkn waa State-yo hoos taga Ethopia iyo Somalia, balse waxaa u taliya madaxeeyneyaal saamayntooda leh.
– Madaxwaynayaashan iyo Maqaamyadoodana waxa aan u kala suureeyay sidan.
JAMHUURIYADDA.JABUUTI
———————————————
•Madaxwaynaha Jamhuuriyadda jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waa madaxweyne in ka badan 20 sanadood Nidaam Digtaytarnimo ah ku maamulayay Dalkiisa, waa Madaxweyne wax badan u qabtay jabuuti laakiin waa Madaxweyne Cabudhiya Mucaaradka ka soo horjeesta xukuumadiisuna waxa ay dagaal la gashaa cid kasta oo ka hor timaada nidaamka Madaxweyne Geelle, shacabka reer jabuutina waa kuwo ku jira cadaadis iyo caga-juglayn badan, sidaas oo ay tahay hadana sawirka madaxweyne geelle uu bulshada caalamka siiyaa waa dowlad dimuqraadiya oo doorasho ku timaada, balse dunida war uguma seegana dalka jabuuti.
JAM.FEDERAL SOMALIA
—————————————–
• Maxamed Cabdulaahi farmaajo waa Madaxwaynaha Dowladda aan taagta badan lahayn ee Somalia, waxa uu sanad iyo badh ka hor madaxweyne ka noqday dal amaankiisa iyo dhaqaalihiisaba ay bixiyaan Dowlado shisheeye oo in kabadan 50 kun oo askari oo ajnabi ahi ku suganyihiin, waxa uu bulshada Somalia ka soo.jeedda tusaa sawir sarcaad ah waxaana uu uga dhigaa dalkooda mid madaxbanaan oo hormumar higsanaya hal ku dhiga ay xukuumadiisu adeegsataana waa nabad iyo nolol, balse marka xaqiiqada loo noqdo, madaxweyne farmaajo waa masuul ku fashilmay xal u helista dowladaas mushaakilka badani hadheeyeen tan iyo intii uu yimi waxaa kor u kacay qaraxa waxaana sii awoodaysata mintidiinta xag-jirka ah, waana madaxweyne dusha ka dhaya mililka qarsoon iyo nabarada hoose ee dalkiisu ka dhaqaaqi la’yahay waa madaxweyne metela in uu daacadyahay balse waa masuul aan waxba ka bedelnay madaxweynayaashii hore ee somalia soo maray ee ka duunyo aruursan jiray ajnabiguna wax u yeedhin jireen waana madaxweyne aan dunida sumcad buuran ku dhex lahayn.
MAAMULKA PUNTLAND
—————————————
• Cabdiweli Cali Gaas, waa madaxwaynaha Maamulka Puntland oo ka mid ah Somalia, inkasta oo puntland ka tirsantahay dalka somalia hadana waa maamul iskiis isku maamula, amnigiisa iyo dowladnimadiisuna soo jirtay ku dhawaad 20 sanno , waa qurbe joog hore raiisul wasaare uga soo noqday dalka somalia markii shaqada laga caydhiyayna yimi puntland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo,
Intii uu yimi puntland dhaqaalaha maamulkiisu waxa uu ahaa mid hoos u dhac weyni ku yimi dowladda ayaa tahli wayda in ay si joogto ah u bixiso mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada dowladda, dhinaca amniga ayaa isna hoos uga dhacay intii hore ururada xagjirka ayaa ku xoogaystay Gobolka intii uu yimi sidoo kalena mashaqadii ugu weynayd ee uu galay ayaa noqotay dagaalada uu kula jiro somaliland, oo khasaare badani ka soo gaadhay madaxweyne Gaas oo aaminsan in aan dib loo dooranayn ayaa wada qorshe uu ku doonayo in doorashada uu dib ugu dhigo dalkuna dagaal ku jiro in muddo ah, inkasta oo uu yahay nin aqoon badan leh hadana dhinaca kartida iyo waayo-aragnimada waa nin meel hoose ka taagan.
D.D.SOMALIDA ETHOPIA.
——————————————
• Cabdi yuusuf Cumar Iiley, ayaa ah madaxweynaha Ismaamulka Somalida Ethopia, waa madaxweyne dhalinyaro ah karti badan sidoo kalena waa shakhsi wax badan u qabtay maamulkiisa iyo dalkiisa ethopia-ba hase yeeshe waa kaligii taliye macangag ah oo ay bulshadiisu cabsi ugu hoos nooshahay, shacabkiisa ayaa ah kuwo dowladda iyo ciidamada liyuu-boolisku Cabudhiyaan, mucaaradka ayaa inta badan xabsiyada ku jira sidoo kalena xabsiyada DDSI ayaa lagu tiriyaa xabsiyada ugu nolosha adag guud ahaan Ethopia, dadka aqoonyahanka ah ee reer Ethopia ma jecla.maamulkiisa iyo shakhsiyadiisa toona.
JAMHUURIYADA SOMALILAND
————————————————–
• Muuse Biixi Cabdi waa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo 27 sanno kahor dib ugala soo noqotay calankeeda dalkii ay la.midawday 1960-kii, waa madaxweynaha keliya ee shantan madaxweyne ku yimi cod shacab ama nidaamka “One Man One Vote”
Waa madaxweyne talada goordhaweyd qabtay, balse waa halgamaa mudo 10 sano ku dhow qori u sitay sidii uu dalkiisa ku xorayn lahaa, halgankii kedibna waxa uu xilal muhoom ah u soo qabtay dalka, wuxuuna la soo shaqeeyay labadii madaxweyne ee ugu ruug cadaasanaa 5 madaxweyne oo somaliland soo maray, IHN Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne Siilaanyo oo uu dhawaan xilka kala wareegay,
Waa hogaamiye go’aan qaadasho leh oo dad kala aragtiyo duwan isku wadi kara, waa hogaamiye dhulka is dhiga marka uu gaadhayo dan uu leeyahay waana hogaamiye khataro badan u badheedhi kara, shan madaxweyne oo somaliland sooo mara madaxweyne Muuse Biixi waxa uu noqonayaa ninkii ku soo baxa codkii ugu badnaa in ka badan 55% bulshadiisa ayaa codka siisay, waxaa la odhan karaa waa Hogaamiyaha ugu khibradda badan shantan madaxweyne ee Somalida ah.
“SIDAA DARTEED MADAXWEYNE MUUSE BIIXI WAXA AAN ODHAN KARNAA WAA MADAXWEYNAHA UGU QIIMAHA BADAN EE SOOMAALI AH EE DUNIDA MAANTA JOOGA”
Qalinki Suxufi Calamahdi Jibril