Kabtanka xulka qaranka Argantina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa ka hadlay arimo ku aadan koobka aduunka ee 2018 ka furmi doono dalka Russia bisha soo aadan, wuxuuna rajo xoogan ka muujjiyay inuu ku guuleysto koobka, isagoo arintan ku sheegay kadib wareysi dheer uu siiyay Channel-ka “Altrich” ee dalka Argantina.
30 jirka xulka qaranka Argantina oo kooxda Barcelona kula guuleestay 32 koon iyo 5 jeer abaal marinta Ballon d’Or ayaa wuxuu yiri: “Waxaan doonayaa inaan ku guuleysto Koobka Adduunka, xitaa hadii aan ku bedeli karo koob aan kula guuleestay kooxda Barcelona, sharafta dalkayga aad ayay kaga duwanaan doonaa wax walbo”.
Lionel Messi ayaan xirfadiisa kubada cagta aanan kula guuleysan xulkiisa Argantina koob heer caalami ah, laakiin taas badalkeeda wuxuu koobab badan lasoo qaaday kooxda Barcelona, wuxuu sidoo kale kusoo guuleestay koobka aduunka ee da’ayarta xulka qaranka Argantina, laakiin xulka waaweynka ah ayuusan Messi la qaadin koob heer caalami, xli ay finalka Copa America ay gaareen 3 jeer ee kala ah 2007, 2015 iyo 2016, mana aysan ku guuleysan xitaa hal jeer ka mid ah, sidoo kale sanadii 2014 ayay gaareen finalka koobka aduunka kaasoo uu ku guuldareystay Germany 1-0.
“Waxaan kalsooni weyn ku qabaa ciyaartoyda ku sugan xulka, dhamaanteen waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano Koobka Adduunka, waa riyada qof walba, waxaan ka shaqeyneynaa diyaargarowgeena, waxaana heysanaa tayada iyo khibrada ciyaartoyda oo dhan”.
“Hadii aan si daacad ah u hadlo ma dhahayo diyaar ayaan u nahay koobka aduunka waana ku guuleysan doonaa sababtoo ah waxaanahay kuwa ugu fiinal, maya sidaas ma nihin, waxaa jira tartamayaal badan oo aad inooga fiican, iyo inaan qeyb ka nahay group-ka aanu ku mideesanahay Iceland loolanka wuxuu noqon doonaa mid aad u adag”.
Lionel Messi ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xiray: “Croatia ayaa sidoo kale heysata ciiyaartoy aad u wanaagsan ee khadka dhexe ah, waxayna ku qaab ciyaareed yihiin xulka qaranka Spain inkastoo Spain ay xoogan tahay, Nigeria sidoo kale waa halis weyn ee naga soo hor jeeda waana inaan si fiican ugu diyaargarownaa arintaas”.