Deg Deg: Sarkaalki Ugu Sareeyey Ciidamada Puntland Oo Lagu Qabtay Dagaalki Tuka-Raq Oo Imika Hargeysa La Keenay

Date:

Taliye ku xigeenkii ciidammada Booliska ee maamul gobolleedka Puntland oo lagu qabtay dagaalkii deegaanka Tuke-raq maalintii daraadlu dhex-maray Somaliland Iyo Puntland ayaa waxaa loo soo dhaadhiciyay dhanka magaalada Hargaysa, sarkaalkan oo lagu magacaabo Muxuyadiin Axmed Aw Muuse ayaa darajadiisa Ciidan ee uu sitay ay ahayd Sareeye-Guuto waxaanu ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska maamulka Puntland.

Sida ay warar xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen shabakadda wararka ee Barigaafrikanews.com ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiil Caafimaad lagu dabiibayaa Cisbitaalka wayn ee Hargasysa ka dib markii la qabtay isaga oo dhaawac ah.

Dhinaca kale wali lama saadaalin karayo tallaaba xigta ee laga qaadayo Sarkaalkan marka uu dhamaysto dabiibkiisa caafimaad ee uu dhaawaca ka kaco.

Inkasta oo ay jiraan dadaalo kala duwan oo dublamaasiyadeed iyo mid gobolka ahiba haddana waxaa la eegayaa sidda ay u go,aan qaadato Xukumadda Muuse Biixi Cabdi.

Dhan kale war ka soo baxay xarunta xuquuqul iinsaanka ayaa lagu yidhi “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ku baaqaysaa in dhinacyada qaybta ka ah dagaalka Tukaraq ay ilaaliyaan mucahadooyinka Geneva ee la xidhiidha dagaalka. Waa in la daweeyo, hoy la siiyo, dhib aan loo gaysan islamarkaana lala xidhidhsiiyo maxaabiista dagaalka ehelkooda iyo bisha cas. Dadka dhaawaca ah waa in cidda qabtaa daryeel caafimaad siiso. Sidoo kale dadka shacabka ah ee aan dagaalka qaybta ka ahayn waa inaan waxyeelo loo gaysan. Waxaanu ku baaqaynaa in cidii ku baro kacday gargaar la siiyo.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...