Maxaa uga dambeeya Tukeraq?
Ciidanka soo weerarayaa Ciidanka Qaraku macquul maaha inay Garoowe ka soo dhaqaaqaan waayo waa 60Km waxase macquul ah inay isku urusadaan kana soo dhaqaaqaan qiyaastii in ka yar 10Km, markaas ayay dabeed laba jiho ama sedex isu qaybiyaan. Ciidanka Qaranku way arkayaan is urursiga cadawga hortooda isku urursanaya awoodna way u leeyihiin inay qaadaan waxa loo yaqaan (preemptive attack)oo ah weerar ka hordhac ah marka ugu horaysa ee ay ka war helaan inta xoogoodu yar yahay laakiin amarka ay haystaan ayaa ah in aanay talaabo ka qaadin ey sugaan inta uu soo qaadayo weerarka. Tiyooriyadda ugu caansan ee dagaalka ee iyada laga soo minguuriyo Mabaadiida Dagaalku (Principles of War) waxay xustay in difaac aan qasdi lahayni uu yahay macno la’aan (defense without aim is meaningless) wayo difaacu maaha mabda’ dagaal ee waxa ah weerarka oo lagu kasbi karo gacanta sare sababtuna wax kaleba maaha ee waa dhinaca weerarka ah ayaa yeedhinaya goorta la dagaalamayo iyo halka lagu dagaalamayo. Ciidanka Somaliland wuxu kaga horeeyaa cadawga soo weeraraya kow mabda’ koobaad ee dagaalka oo ah Midnimada Talis (Unity of Command) waayo ciidanka soo weerarayaa maaha ciidan dhisan oo leh talis midaysan oo waa dad lagu soo ururiyay tolaayeey oo keliya oo u badan dhalinyaro aan lahayn khibrad dagaal iyo anshax milatari iyo weliba tabobar milateri. Ciidanka Qaranku isagoo intaaba dheer ayaa hadana waxa uu dheer yahay awoodda dabka (fire power) markaa loo biqi maayo haddii uu saanadiisa haysto kayd ku filanina u yaal. Laakiin sua’aasha ay tahay in la is waydiiya waxay tahay waa maxay danta Somaliya gaar ahaana maamul-goboleedkiisa Puntland iyo ujeedada ay ka leeyihiin? Marka aynu si istraataji ah u fakarayno hadii la sahashado oo aan ta ugu xun loo diyaargaroobin halisteeda ayay yeelan kartaa
Somaliland: Muxu Cali-Guray Ka Yidhi Degmada Tuka-Raq Iyo Xaalada Dagaalada Somaliland Iyo Somalia
Date: