War Deg Deg Ah: Madaxweyne Muuse Oo Imika Ka Hadlay Dagaalkii Saaka Ay Soo Qaadan Ciidamada Maamulka Puntland Balse Muxu Ka Yidhi + Muuqaal
Madaxweynaha Somaliland oo iminka ku sugan magaalada Saylac ayaa waxaa uu ka Hadley dagaalka saaka ku dhex maray deeganka Tuko-raq cidamada Somaliland iyo kuwa Puntland .
Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland dhinac na iska difaaceyso dhinac-na ay ka dagaalameyso oo ay xuduudaheeda ay ilaashaneyso waxaana uu yidhi
” Somaliya saaka weerar bay inagu soo qaadey , dagaalkii hada wuu socda dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ba wuu jiraa , waana wax binu aadam nimada ka baxsan in bil ramadaan dad gurmad ku jira la soo weeraro .
https://youtu.be/2CUDePi-5H0
Balse waxaanu u sheegaynaa Somaliland horumarkeeda waa ay daafaceysaa oo hore ayey u soconeysaa , Somaliland nabad u jeeda ee dagaal uma jeedo , Somaliland dhinac na wey iska difaaceysaa , dhinac na gurmadka ayey ka wadeysaa ” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland