Somaliland: Saacadaha Shaqaalaha Dawladdu Shaqeeyaan Oo La Dhimay

Date:

Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa wax ka bedel kooban Bisha Barakaysan ee Rammaddaanta inta lagu jiro ku samaysay saacaddaha ay shaqada ku jirayaan ama shayn doonaan shaqaalaha kala duwan ee Dawladdu u qorsheeyey si ay waajibaadkooda shaqo iyo Cibaaddada ALLE ku waajibiyey labadaba u gutaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Md. Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa maanta shaaciyey go’aan ay soo saareen Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland oo ay ku socod siiyeen shaqaalaha dawladda ee kala duwan in saacaddaha ay shaqayn doonaan bisha barakaysan ee Ramadaanta oo wax ka beddel kooban lagu sameeyey, waxaana shaqaalaha la faray inay shaqooyinka dawladda inta lagu jiro Bisha Ramaddaanta soo geli doonaan 8:00 Subaxnimo kana bixi doonaan 1:00 Duhurnimo si ay shaqooyinka ay qaranka u hayaan  u gutaan isla markaana Cibaaddada ALLE ku waajibiyey u haleelaan dadku, waxaana Guddoomiye Sharmarke Geelle dhambaal hambalyo curashadda Bisha Barakaysan Rammaddaanta ku saabsan uu u diray shacabka Somaliland iyo shucuubta Islaamka oo uu ku hambalyeyey Bishan.

Warka ka soo baxay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Hay’addaasi Sharmaarke Muxumed Axmed Geelle, ayaa u qornaa sidan:-

Hambalyo iyo Wax-ka beddel Saacadaha Shaqada

Mudanayaal iyo Marwooyin, Sida aad la socotaan waxaa inoo bilowday bishii barakada badnayd ee Ramadaan, taasi oo loo diyaar-garoobayo cibaado iyo in xuska Alle dedaal dheeraad ah la geliyo.

Sidaa darteed, guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo dareensan muhiimadda maalmahan tirsani u leeyihiin Addoomaha, sidoo kalena qiimaynaya in shaqaalaha dawladdu uga faa’idaystaan inta ugu badan, waxa ay ku wargelinayaan in is beddel kooban lagu sameeyey saacadaha shaqada.

Jadwalka cusub ee bisha barakaysani waxa uu noqon doonaa sidan:

Shaqo-gelista: 8:00Am “Subaxnimo”

Shaqo-ka bixidda: 1:00Pm “Duhurnimo”

Ugu dambayn, waxa aan ugu hambalyeynayaa guud ahaan shaqaalaha dawladda curashada bisha barakada badan waxa aanan u rajaynayaa in Alle ku daro inta helaysa dembi dhaafka, naxariista iyo in Alle jidhkooda naarta ka xoreeyo. Ku Cibaadaysta Cafis iyo Caafimaad..”

Ugu dambayn, Wakhtiyada aan Ramadaanta ahayn waxa Shaqaalaha Dawladdu Shaqooyinka bilaabaan 7:30 Subaxnimo, waxaana sharci ah inay ka rawaxaan 2-da Duhurnimo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...