Kooxda Atletico Madrid ayaa markii seddexaad ku guuleysatay koobka UEFA Europa League ka dib makii ay ciyaartii finalka ee caawa ay 3-0 ku dubteen kooxda Marseille iyadoo ciyaarta kama danbeysta lagu qabtay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.
Labo ka mid ah goolasha ay ku badisay kooxda Atletico Madrid waxaa u saxiixay xiddiga reer France Antoine Griezmann oo kala dhaliyay labadii qeyb ee ciyaarta, halka goolka seddexaad uu dhaliyay Gabi dhamaadkii ciyaarta.
Marseille ayaa ciyaar fiicneyd 20kii daqiiqadood ee ugu horeysay ciyaarta iyadoo Germain uu kubad gool loo fishay ka qasaariyay, laakiin hal qalad oo ay sameeyeen kooxda Faransiiska ayaa keentay in Griezmann uu hogaanka u dhiibo Atletico. Wixii ka danbeeya goolkaas xaalada Marseille ma aysan fiicneyn waxaana ugu sii daray dhaawaca uu ku baxay qeybtii hore kabtankooda Dimitri Payet.
Qeybtii labaad ee ciyaarta waxaa iyadana kubada iska heysatay Atletico Madrid kuwaasoo u muuqday inay garoonka kaga tiro badan yihiin dhigooda Faransiiska.
Antoine Griezmann ayaana natiijada ciyaarta u xaqiijiyay daqiiqadii 49aad markii uu Koke kubad u dhex bixiyay iyadoo xiddiga Faransiiska uu kubada si khibrad leh uu uga dulqaaday goolhaye Mandanda.
Daqiiqadii 89aad waxaa ciyaarta hurdo u diray Gabi kaasoo kubad fiican ku hor helay goolka Marseille islamarkaana si habsami leh u dabamariyay goolhaye Mandanda iyadoo kubada ay ka soo wada shaqeeyeen Diego Costa iyo Griezmann.
Waa markii seddexaad oo ay Atletico Madrid ku guuleysato koobka Europa League, waxa ay sidoo kale hore u soo qaadeen 2009-10 iyo 2011-12.