Somaliland: Madaxweynaha JSL Oo Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Dagaal-beeleed Ka Soo Cusboonaaday Sanaag

Date:

Dagaal u dhexeeya laba Beelood oo Walaalo ah oo wada dega Deegaanada Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, ayaa Shalay Gelinkii hore ka qarxay Saddex Aag oo kala duwan.

Dagaalka koowaad ayaa la sheegay inuu subaxdii hore Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Beelaha wada dega Degmada Ceel Af-weyn uu ku dhex maray Gudaha Degmada Ceel Af-weyn.

Dagaalka Ceel Af-weyn ka dhacay Subaxdii hore ee Shalay ayaa waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira, kuwaasi oo aan tiradooda la sugin.

Dagaalka Gudaha Degmada Ceel Af-weyn ayaa joogsaday, ka dib markii Ciidammada Milletariga Somaliland oo halkaa degani kala dhex galeen, balse Dagaallo daba socda ka ka dhacay Gudaha Ceel Af-weyn, ayaa waxa uu markaasi ka dib Maleeshiyaad labadaa Beelood ah ku dhex maray Deegaannada lagu Magacaabo Dhidinka iyo Siigo-dheer, kuwaasi oo iyaguna markii dambe joogsaday markii Ciidammada Mlletarigu u kala gurmadeen.

Warka ayaa intaa ku daraya, in Dagaallada ka dhacay Saddexda Deegaan inuu ka dhashay khasaare laxaad leh, kaasi oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawacba, waxaana la soo sheegayaa in marka la isku daro Saddexda Aag ee Dagaalku ka dhacay ay ku dhinteen Dad tiradoodu gaadhayso 14, dhaawucuna intaa ka badan yahay, wallow aanay Masuuliyiinta Gobolka Sanaag iyo kuwa Deegaannada dagaalladu ka dhaceen aanay ka hadlin Colaaddan oo aanay ahayn markii koowaad ee ay dhacdo.

Labada Beelood ee dagaalku ku dhex maray Saddexda Deegaan ee ka midka ah Gobolka Sanaag oo Colaaddoodu raagtay isla-markaana llaa hadda aan loo helin Xal waara oo lagu soo af-jaro Colaadda taagan, ayaa Dagaalka marka kale dhex maray waxa Shalay ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ugu baaqay labada Dhinac ee Dirirtu dhex martay inay hubka dhigaan, waxaanu yidhi “Waxaan halkan baaq uga dirayaa beelaha Ceel Af-weyn ku dagaalamaya, dagaalkaas oo riiq dheeraaday oo saakana (Shalay) meelo badan ka bilaabmay, waxaan ugu baaqayaa dadkaa walaalaha ah ee islaynayaa inay dagaalka joojiyaan, dhiigga bilaa micnaha u daadanaya inay joojinayaan ayaan baaq dheer ugu dirayaa.”

Madaxweyne Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dagaalku ku fiday dhul ballaadhan “Hadda Wararka ina soo gaadhayaa (Waxay sheegayaan) inay dhawr meelood saaka (Shalay) dagaal ka bilaabeen Ceel Af-weyn, waana dagaal soo noq-noqday..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu baaq u diray Cid kasta oo ka qayb-qaadan karta daminta colaaddaasi “Qaranka Somaliland Qof kasta oo xilkas ahna waxa aan ugu baaqayaa sidii nabad looga dhalin lahaa innaynu u wada guntano, way inagu riiq-dheeraatay way soo noq-noqotay, waa dadkeenii, waa masiibo inagu dheeraatay, ilaahay waxaan ka rajeynayaa in aynu nabaddeeda deg-deg u xidhno oo aynu dhammaanteen isugu tagno..”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...