Somaliland: Shacabka Berbera oo Dalbadey in Gacanta Dowladda lagu soo Celiyo Haamaha Shidaalka

Date:

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa dawladda ugu baaqay in maamulka haamaha shidaalka Berbera laga wareejiyo shirkaddaha gacanta ku haya, isla markaana dib loogu soo celiyo gacanta xukuumadda Somaliland.

Dadweynaha oo la hadlay Telefashanka Maxliga ah ee Horn Cable Tv ayaa xukumadda ugu baaqay in ay qaado Masuuliyada shaybaadhka Shidaalka iyo maamulka haamaha kaydka shidaalka Berbera oo ay sheegeen in ay gacanta u gashay dad aan u tudhayn dalka iyo dadka midna.

“Haddii aanu nahay shacabka ku nool Magaalada Berbera waxa aanu soo dhawaynayaa in shaybaadhka Shidaalka iyo haamaha kaydka Berbera si degdeg ah dawladdu ula wareegta, sababta oo ah iyada ayaa ummadda ka masuul ah,” ayuu yidhi Xuseen Axmed Shagax oo ka mid ah dhallinayarada Magaalada Berbera.

Dadweynaha ayaa sheegay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ee gacanta ku haya ilaha dhaqaale ee degmada Berbera ay ka muteen khaasare iyo dhibaatooyin, iyaga oo arrintaa ka hadlayayna waxa ay yidhahdeen “waa in gacanta dawladda dib loogu soo celiyaa haamaha iyo shaybaadhka shidaalka, si looga baxo khasaaraha iyo dhibaatoyinka inaga soo gaadhay intay shirkadaha gaarka loo leeyahay gacanta ku hayeen.”

Golaha wakiillada Somaliland oo cod aqlabiyada ku laalay mooshin ay xildhibaanad qaar ku doonayeen in gacanta dawladda lagu celiyo haamaha shidaalka ayey shacabku dhaliileen, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa, “Baarlamaanku markooda horeba sharci kuma fadhiyaan, iyaga ayaana waddanka kharibaaya oo siday doonaan ka yeelayaa, markaa xukumadda waxa aanu ka codsanaynaa in ay gacanteeda ku qabato oo kula wareegto.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...