Waxaa ay dawladda UAE Albaabda U Laabtay Cusbitaalka Sheekh Zayed Oo ay ka dhistay muqdisho, maamulkiisana gacanta ku haysay
Dowlada Imaaraatka ayaa go’aansatay in ay gebi ahaanba jiijiso tababaradii iyo taageeradii millateri ee ay siineysay ciidanka Millatariga Soomaaliya, kadib markii xidhiidhka labada dal u dhaxeeya uu xumaaday. Sida ay baahisay Wakaalada wararka ee Imaaraadka Carabta ee loo soo gaabiyo WAM, waxay dowladda Imaaraatka ay joojisay tababaradii iyo taageeradii ay siinayeen ciidanka kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa maamulka Puntland . Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa go’aankan qaadatay kadib markii ay ka cadhootay lacagtii Imaaraadku lahaa ee dawladda Soomaaliya kala wareegtay markii laga dejiyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Wakaalada Wararka ee WAM ayaa sheegtay in dowlada Imaaraadka aad uga xumaatay sida ay u dhaqantay dowlada Soomaaliya, waxa ayna Wakaalada sheegtay in dowlada Imaaraadka tababar siisay in ka badan 2,400 oo Askari. Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Muqdisho iyo Puntland ku lahayd xeryo ay ku tababarto ciidanka Soomaaliya, waxa ayna Imaaraadka dhaqaale iyo agaba siiyeen ciidamada ay Soomaaliya u tababareen. Imaaraadka ayaa Soomaaliya kala baxday qeyb kamid ah Saraakiishii tababarayay Ciidanka Kumaandooska Soomaalia, waxayna arrintan cirka kusii shareertay xidhiidhka aan wanaagsanayn ee labada dal u dhaxeeya. Wasaarada Gaashanadhiga Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in uu dhamaaday heshiiskii ay Imaaraadka ku tababarayeen ciidanka Soomaaliya, waxa ayna Wasaaradu sheegtay in ciidankaasi ay si buuxda ula wareegayaan. Dhinaca kale Sida lagu daabacay Wareyska Alceyn ee kasoo baxa dalka Imaaraadka, ayaa lagu shaaciyay in gabi ahaanba Albaabada loo xidhay Cusbitaalka weyn oo uu Imaaraadka Carabta ka furay magaalada Muqdisho ee lagu magacaabo Sheekh Zayed Hospital, kaasoo ay iskaga baxeen dhakhaatiirta maamulayay