Somaliland: Wasiirka Maalliyada Oo Ka Warbixiyey Cadadka Mushaharka Loo Kordhiyey Ciidamada & Macalimiinta Dawladda

Date:

“Ciidamada & Macalimiintu Waa labada gacmood ee laf dhabarta u ah difaaca dalkan, Ciidanka waxaanu u kordhinay 29%,  Macalimiintana Waxaanu U Kordhinay…”

Wasiirka Wasaaradda horumarinta  maalliyada Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Ayaa ka war bixiyey caddadka ciidamada iyo macalimiinta loogu kordhiyey mushaharkooda ee ka muuqda odoroska Miisaanniyada ee golaha wakiillada uu shalay hor keenay. Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi oo markii uu kasoo baxay fadhigii golaha wakiilalda Somaliland oo shalay uu isaga iyo saraakiisha wasaaradiisu hor keeneen miisaaniyad sanadeedka 2018ka u warramay Kalsan Tv waxaa uu  tafaasiil ka bixiyey inta loo kordhiyey mushaharka macalimiinta iyo ciidamada dalka, waxaanu yidhi “dal kastaaba inta uu dadkiisa aqoonta galiyo ayaa qof kastaa la soo baxaa  dadkuna waxay u baahanyihiin waxbarasho sidaas darteed macalimiinta iskuullada  dawladdu leedahay in latayeeyaa waa mihiim, waanad aragteen oo kuwiigaarka loo lahaa ayaa aad loo kobiyey  sidaas darteed waxaanu doonaynaa in sanadkan haddii alla yidhaa ay macalimiinta dugsiyada dawladdu la tartamaan dhigooda gaarka ah oo aanu daryeel gaar ah siino barayaasha  kala duwan, kuwaas oomushaharkooda aanu u kordhinay 20%, ciidamadeena aad aragteen hadh iyo habeen  jiidaha hore jooga iyaganamushaharkooda waanu kordhinay , waanalabada gacmood ee laf dhabarta u ah difaaca dalkan, waa difaacii gacanta iyo difaacii maskaxda. Ciidamada waxaanu u kordhinay 29%, insha allah sanadaha dambana waanu kasii krodhin doonaa”.ayuuyidhi wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...