Somaliland: “Markaynu Runta Ka Hadalno Intii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Xilka Hayay Adeegsigii Qabyaalladu Hoos Buu U dhacay”

Date:

Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan, La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Bulshada

Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan oo ah la taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Bulshada oo habeenkii jimcihii ka qayb galay caways lagu qabtay magaallada Burco oohal ku dhegiisu ahaa kulanka 4aad ee qabyaalad-diidka Somaliland.  “Aad baan idiinkamahad naqayaa sida aad uga soo qayb gasheenmunaasibaddan ooay agaasinkeeda lahaayeen haldoorka qabyaallad diidka Somaliland ee uu hormoodka ka yahay Cabdikariin Axmed Mooge iyo dhalinta kale ee halkan caawa fadhida. Runtii anigu habeenkii la aasaasay ururkan xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayay ahayd oo waanka qayb galay oo taageere ayaan u ahaa oo waxaan idhi anigu dawladda ayaan ku jiraaoo urur ma gali karo laakiin had iyo jeer meesha qabyaallada lagu diidayo ee lagaga hadlayo xumaanteeda inaan goob joog ka  noqdo diyaar baan u ahay taasina waa ta caawa halkan I keentay”. Sidaas ayuu yidhi la taliyuhu waxaanu intaa ku daray “runtii mawduuca qabyaallada inta diintu innaga tidhi ayaa inagaga filan inay wax xun oo qadhmuun tahayna rasuulkeennaa sheegay CSW. Qabyaaladu waa xaqiraad iyo dulmi iyo xumaan iyo in dadku ay is dilaan marna waa faan iyo faataa bakh reeruhu ay isugu faanaan ooay isugu goodiyaan wax allaala wixii dhibaato iyo qoqob ahaa ee innasoo maray wax faaiido ah oo aynu ka haynaa ma jirto”.

Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Bulshadu waxaa uu sheegay in muddadii uu madaxweynaha cusubi Md. MuuseBiixi Cabdi talada hayay oo ku siman boqol iyo dhawr maalmood ay hoos u dhacday adeegsigii qabyaalladu “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi intii uu talada hayay markuu xilka qabtay qabyaalladii hoos bay u dhacday markaynu runta ka hadalno, qabyaalladii waxay hoos ugu dhacday shirarkii Beellaha ayaa yaraaday, reer Burco ahaanna halkaas waxaynu doonaynaa inaynu ka sii wadno barnaamijka lagu yaraynayo qabyaallada si uu midho dhal u noqdaana xukuumad ahaan waanu idin garab taagannahay”. Ayuu yidhi Md. Cabdiwaaxid

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...