Akhri magacyada afar iyo labatan masuul oo hadda madaxweynuhu magacaabay
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-70/042018 uu ku magacaabay 24 Masuul.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
| Tir | Magaca | Xilka | 
| 1. | Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah | 
| 2. | Cali Xuseen Nuur Beegsi | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga | 
| 3. | Dr. Axmed Cali Maax Warsame | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha | 
| 4. | Mukhtaar Maxamed Cali | Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha | 
| 5. | Prof. Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray) | Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha | 
| 6. | Xuseen Maxamuud Maxamed Xasan | Agaasimaha Guud Wasaaradda Cadaaladda | 
| 7. | Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska | 
| 8. | Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta | 
| 9. | Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta | 
| 10. | Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case) | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska | 
| 11. | Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga | 
| 12 | Jamaal Cabdi Muuse Diiriye | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha | 
| 13. | Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Bile | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda | 
| 14. | Cali Maxamed Cali Nuur | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka | 
| 15. | Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka | 
| 16. | Axmed Muuse Muruud Muxumed | Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska | 
| 17. | Cabdikariim Xuseen Siciid | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha | 
| 18. | Cabdillaahi Maxamed Xaaji Ducaale | Safiirka Somaliland u fadhiya Midowga Africa | 
| 19. | Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indha-balac) | Guddoomiyaha Gobolka Gabiley | 
| 20. | Axmed Cismaan Xasan Cilmi (Tima-cadde) | Guddoomiyaha Gobolka Saaxil | 
| 21. | Mustafe Cabdi Muuse Nuur | Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle | 
| 22. | Khadar Baaruud Cumar Cabsiiye | Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex | 
| 23. | Maxamuud Ibraahin Axmed Ducaale (San-dheere) | Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil | 
| 24. | Faysal Aw Jaamac Xirsi Xawte(Ilka-case) | Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka | 
[
Masuuliyiinta aan xilka ka qaaday waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii shaqo, muddadii ay xilka Qaranka hayeen.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

