Somaliland: Madaxweyne Biixi Muxu Ka Yidhi Sicir Bararka Cirka Isku Sii Sharaarayah

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi Ayaa nasiib darro kutilmaamay in uu kor u sii kaco sicir bararka baahasan ee dalka ka jira taas badalkeedana ay xalnoqon waayeen go’aamadii ay soo saareen guddidii uu u magacaabay inayjaangooyaan sarrfika lacagaha qallaadiyo jaangoynta qiimaha shilinka dalka. Madaxweyne Muuse Biixi ka jawaabay su’aal uutifaftiraha HUBAAL Media Xasan Xuseen Cabdillaahi [Keefkeef] Weydiiyey  shalay mar uu shir jaraaid madaxweynuhu ku qabtay qasriga madaxtooyada ayaa ka garaabay in xalkii ay qaran ahaan iyo xukuumad ahaanba bidayeen in loo helo sicir bararku aanu weli muuqan,islamarkaana uukoru sii kacosarrfikii doollarku,waxaanu intaas ku daray in adeegyadii EDAHAB iyo ZAAD ee ay guddidu xoogga saartay in la hakiyo si meesha looga saarro sarrif bararku  ay ka daba timi caqabado kale oo aanay filanayn. Su’aasha uu tifaftiruhu weydiiyey madaxweyne Muuse oo dhamaystirani waxay u dhignayd sidan:  “Anigu waxaan doonayaa inaan ku weydiiyo Md. Madaxweyne su’aal aad adigu go’aankeeda lahayd taasoo ah; waxaa jirtay guddi aad waa dhawayd magacawday oo ahaa sicir bararka, guddidaas markaan anigu bulshadii ka turjumo waxaa ka soo noqday dareenkooda  in go’aankaagii uu noqday waxtar waxyeelloobay, oo wax aad is lahayd tar  ayaa si kale isu badalay oo tusaalle ahaan saaka [shalay] weynu ognahay boqolkii dollar  halkuu marayo sarifkiisii, bulshadeenuna 80%  dakhliga soo gala ama ay ku nool yihiin waa wax ka yar boqol dollar. Markaas go’aamadii guddidii aad magacawday ay soo saareen  dhaliilo badan baa  kayimi oo ha loo tiriyo dhinaca waayo aragnimadooda, ama go’aanqaadashadooda ama ha noqoto in gacmo kale ku jiraan, markaas arrintaasi xalkeeda waxaa dadku diirada saarayaan in xalkii idinka baahay,arrimahaas maxaaqorshe ah ee aad kaga talo galaysaan?. Su’aashaas  waxaa uu madaxweynuhu kaga jawaabay “horta arrintu waa mid aynu wada leennahay oo waa runtaayoo guddi baynu u saarnay dhammaanteenna hareerahaynu ka joognaa inaynu arrintaas xal u helno,xalkii aynuhelnay wuu cuslaaday waanu jiitamayaa, bahalkiina wali wuu sii socdaa oo waa runtaa , dadaalnama yara, laakiin xal baan u arkaa inaynu joogno tallaabo wanaagsanoo guul ah  kaasoo ah in intii aynu jirnay weli dadka suuqyadeena ka wada shaqeeya ee  sarrifku talo ay ku midaysanyihiin  oo lacagteenna iyo sarrifkeeda ay dhaqaalle ahaan uga wada hadlaan  hore umaynaan gaadhin. Maanta waxaynu haynaa in hay’adaha lacagta kaashka ah bedellaa  in aanay gacanta dawladda ku jirin, waayo waxaynu qaadanay suuq xor ah, shirkado ayaa lacagta gacanta innogu haya  ooku shaqo leh, waana taynu dooranay in suuqaas xorta ah uu dhaqaallaheenu ku abuurmo. Suuqa xorta ahmarka laga hadlayo qolada culimada ah ee buugaagta badan ka qortay waxay yidhaahdaan lacagta gacan aan la arkayn baa maamusha, oo maraykankaas  aad arkayso ee  ugu lacag badan iyo nin kastoo lacag leh suuqaas  sarrifka nin gacanta ku haya oomaamulaa ma jiro, arroor walba gacan aan la arkayn baa wada oo isaga ayaa ismiisaama  oo waasida jidhkaaga oo kale  haddii meeli ku xanuunto, markaa [sicirka] immika wax badan baa ku xeersan”. Sidaas ayuuyidhi madaxweyne Muuse waxana uu intaa kudaray “ waxaynuhaynaa maanta waxa weeye horta sicirku kuma xidhna EDAHAB iyo ZAAD  oo keliya oo iyagu waa ay yar yihiin saamayntoodu  laakiin waxay ku xidhan tahay sidaynu wax u kharash garayno, waxaynu soo saarno iyo lacagteena qaranku halkay qabato,kuwaasoo u baahan inaynu dib ugu noqono wax ka qabashadooda.. calaakulli xaal xalkii aynu doonaynay kamaynu gaadhin oo waa runtaa  laakiin wadadeedii baynuhaynaa”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...