Tan iyo intii xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi talada dalka iyo hoggaamintiisa qabatay, tallaabooyin dhawr ah ayaa loo qaaday dhinaca xakamaynta sicir-bararka.
Waxa ka mid ahaa guddi, sidii kuwii ka horreeyey e xukuumaddi madaxweyne Siilaanyo, loo saaro ka-talo-bixinta iyo meelmarinta qodbbada iyo hilimada loo marayo hakinta sicir-bararka circa isku shareeray oo saamayn aan la soo koobi Karin ku yeelaay nolo-maalmeedka dadweynaha, gaar ahaan danleyda iyo xoogsatada.
Haddaba, waxa ka mid ahaa tallaabooyinkaas in la soo jeediyo in (a) la joojiyo isu-diridda wixii ka yar 100 Doollar ee digitalka ah ama waxa loo yaqaan ‘hawada’ ah, iyo (b) isku-dhex sarrifka labada lacagood ee Shilinka iyo Doollarka.
Labada adeeg ee eDahab iyo Zaad, oo ku kala abtirsada Somtel iyo Telesom, midiba si ayay u qaadatay amarkii xukuumadda. eDahab markiiba waa fuliyey, waana soo dhoweeyey. Zaad iyo Telesom, afkana waa ka oggolaadeen, ficil ahaanna waa ka gaabiyeen.
Haddaba, arrintaa soo baxday si weyn ayaa shacabku uga falceliyey, iyaga oo ku qiimeeyey labada adeeg midba sida uu ugu damqaday dadweynaha.
Aragtiyaha laga kala bixiyey, waxa tusaale u aha ra’yigan oo uu ku kala qiimeeyey labada shirakadood muwaadin ku nool dalka Denmark:
Ugu horayn waxaan salaamaya dhamaan islaamka gaar ahaan umada reer somaliland
Waxaan daawadey shir jaraaid oo ay qabteen maamulka shirkada dahabshil groub shirkaa waxay ku sheegeen 2 arimood oo kala ah:
- shirkada Dahabashiil waxey fulineysaa go aan kasta oo lagu xakamaynayo sixir bararka aafeeyey danyarta somaliland
- shirkada Dahabshiil iyadu ma samaynayso iney faraha la gasho arimaha sarifka waxaaney u daynaysaa dadka danyarta ah ee ka shaqeysata sarifka shirkada dahabshiil waxey arintaa u dhaafaysaa dadka ka shaqeysata sarifka
Hadaba go aankaas wuxuu shacabka somaliland tusay iney shirkada dahabshiil tahay shirkad u heelan wax u qabashada shacabka somaliland
Waxey shirkadu shacabka tustey iney shirkadu tahay mid u naxaysa dadka danyarta ah ee reer somaliland
waxaan leeyahey maamulka shirkada dahabshiil waad mahadsantihiin waxaad na tusteen inaa tihiin shirkad dadka iyo dalka u naxaysa runtii waxaad nagu leedihiin abaal ilaahey ha idin barakeeyo jira oo jooga waligiin jira oo jooga
Allaa mahad leh
by Siciid Cumar Xasan
Copenhagen, Denmark