Somaliland: Raxan Hellicopter-ro Kasoo Kacay Saldhiga Ay NATO Ku Leedahay Djibouti Oo Ka Laba Noqday Somaliland Iyo Xukuumadda Oo Heegan Gelisay Ciidanka Badda & Difaaca Xeebaha

Date:

“Iyaddo Lagu Jiro Xilli Xaasaasi Ah Oo Xaaladda Horumarineed Innagu Kiciyeen Khataro Ayaa Diyaarado Kuwa Dagaalka Ah Oo Kasoo Kacay Saldhigyada NATO Ku Leedahay Djibouti Waxa Ay Si Daran-Doorri Ah U Soo Fadhiisteen Xeeba”

“Waxaanu Awoodnaa In Aanu Gubno  Diyaradahan Jooga Hoose Ku Duulaya Iyo Kuwa Fadhiisanayaba  Hase Ahaatee Wixii Amniga Geeska Khalkhal Iyo Khilaaf Nabad Darro Ka Abuuraya Ayaanu Ka Dig-Toonahay”- Warbixin Uu soo Saaray Taliska Ciidammada Maariiniska JSL

Diyaarado joog hoose ku duulaya oo wata astaamaha ciidamada milatariga ayaa dul heehaabaya magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel. Diyaaradahan oo tiradoodu gaadhayso afar ayaa aad ugu soo dhawaaday magaalada, iyada oo guuxoodana si dhaw looga maqlayey guryaha magaalada Saylac. Diyaaradahan ayaa dhawr jeer soo dul maray jasiirada sacaadadiin iyo magaalada Saylac iyada oo aan ilaa hada la garanayn ujeedada ay leeyihiin iyo cida iska leh diyaaradahaasi. ciidanka ilaalada xeebaha somaliland ayaa war ay ku baahiyeen bogga ay ku leeyihiin Facebook waxa ay tirada diyaaradahan ku sheegeen 6 ilaa 7 diyaaradood, iyaga oo sheegay inay diyaaradahani ka tirsan yihiin saldhigyada Nato ee dalka Jabuuti. Warbixintan ciidanka ayaa lagu sheegay in taliyaha aaga galbeed ee ciidanka ilaallada xeebaha ee fadhigiisu yahay magaalada Saylac Gaashaanle Dhexe Maxamed Yuusuf Otor uu duullimaadyadan diyaaradaha kusoo wargeliyey taliska guud ee ciidanka illaalada xeebaha ee xaruntoodu tahay magaallada Hargesa. Waxaanu intaas ku ladhay taliyuhu in aanay helin wax xidhiidh ah oo ay ku aqbaleen inay diyaaradahani soo galaan hawada somaliland, isaga oo xusay in mar kasta oo ay ciidamadu dhawaadaan ay kacayaan isla markaana ay dul heehaabayaan magaalada Saylac.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ay awoodaan inay wax ka qabtaan diyaaradahan jooga hoose ku duulaya balse ay ka digtoon yihiin wixii amniga geeska Afrika waxyeelaya isla markaana abuuri kara khilaaf nabad galyo horseedi kara. Warbixinta ciidammada maariiniska Somaliland ee ay ku baahiyeen boggooda Facebook, waxaa ay u dhignayd sidan:

“Iyaddo lagu jiro xilli aad u xaasaasiya, oo gayiga Somaliland iyo xaaladaha ku soo cusboonaaday ee horumarineed ay inagu ku kiciyeen cadaawado iyo khataro loo baahanyahay in laga feejignaado oo si toos ah iyo isku duubni lagaga baxo ayaa maanta [shalay] waxa aad uga yaabiyay kalluumaysataddii reer somaliland iyo gabi ahaanba ciidankii badda JSL ee aagga galbeedka saylac Diyaarado kuwa Dagaalka ah ee Helicopters-ka loo yaqaanno kuwaas oo tiradoodu tahay 6-7 diyaaradood oo ciidamo sidaaa ay duhurkii ilaa fiidkii fadhiisanayeen xeebta oo haddana ay kacayeen. Diyaaradahan military oo ka soo kacaya saldhigyada Nato ee Magalada jibouti ee dalka Djibouti ayaa si badheedh ah usoo dagay xeebta iyagoo si darandoorri ah isku daba marayay. Kadib markii Ciidankeenna badda ee JSL ee fadhigiisu yahay saylac uu difaac ka galay labada jasiiradood [Ceebaadiyo Sacadadiin] isla markaana uu taliyaha aaga galbeed ee fadhigiisu yahay Saylac Gaashanle Dhexe Maxamed Yusuf Otor u soo gudbiyay taliska guud ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha JSL. Ciidanku Markuu diyaaradahan ku dhaqaaqaba way kacayaan iyagoo dul heehaabaya badda taasina waxaa ay abuurtay daganaansho la’aan iyo xadgudub aan jawaab laga hayn.

Waxaanu awoodnaa in laga gubo diyaradahan jooga hoose ku duulaya iyo kuwa fadhiisanayaba iyadoo loo adeegsan karo hubka riddada dhexe iyo kan fogba oo aanu awood u leenahay,hase ahaatee wixii amniga geeska khalkhal iyo khilaaf nabad darro ka abuuraya ayaanu ka dig-toonahay amarka sare ee hogaanka talka ahna kan ciidamada ayaa awooddeeda iyo amarka arinkan oo kale leh. Ugu dambayntii shicib iyo ciidan hala isku tiirsanaado hala socdo dhaqdhaqaaqa badda iyo barriga iyo kuwan magaalooyinka dhexdoodaba,xaaladaha amaan ayaa dhegtaag ku soo kordhay.” Ayaa lagu soo gebogabayeeyey warbixinta lagu daabacay bogga ay ciidanka ilaallada xeebaha iyo difaacada badda JSL ku baahiyeen boggooda Facebooka-ga.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...