Waxay Ay Cabasho Ka Muujiyeen Shirkadda Som-Power Oo Ay Sheegeen In Kooto Loogu Xidhay Korontadda
Midawga shirkaddaha Korontadda Laydhka ee Shirkadda Korontadda Laydhka ee GAAFANE Electric Company, Shirkadda Korontadda ee Telesom Electric iyo Shirkadda Laydhka ee National Electric, ayaa mar kale soo saaray baaq cabasho ah oo ay u dirayaan Madaxweynaha Somaliland md Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arimaha guddaha iyo cid kasta oo ay khusayso inay si deg deg ah u soo farogeliyaan oo wax ka qabtaan dulmi iyo Caddaalad daro ay sheegeen inay ku hayso shirkadda Laydhka ee SOM-POWER Electric oo ay sheegeen inay Birahoodii laydhka ay shirkaddani ku xidhaayeen ka googooysay oo meel kasta daadsan yihiin iyada oo SOM-POWER siday hadalka u dhigeen ay gacan ka helayso wasiirka macdanta iyo Tamarta oo la saftay iyada. Shir Jaraa’id oo uu shalay Hargeysa ku qabteen Guddoomiyaha Midawga Saddexda Shirkaddood ee Korontadda ee Gaanafe Electri, Telesom Electric, National Electric Sheekh Maxamed Xuseen Maxamed iyo Masuuliyiinta kale ee shirkaddahani, waxay si adag uga qayliyeen caddaalad daro baahsan iyo tacadi Xadhkahoodii iyo Keebiladii ay Laydhka ku xidhaayeen inay jir jartay Shirkadda SOM-POWER Electric oo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland Kooto Sharci daro ah uu ugu xidhay inay kaligeed Korontadda siiso Caasimadda Hargeysa, waxaanay Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Xukuumadda ee arintani ay khusayso ugu baaqeen in si deg deg ah loo soo faro geliyo hoosna loo eego caddaalad daradda iyo tacadiga ay shirkadda SOM-POWER iyo Wasiirka Tamarta Somaliland ku hayaan saddexdoodan shirkaddood ee Korontadda Hargeysa ka shaqayn jiray kuwaasi oo qarka u saaran inay hada al-baabadu u xidhmaan hadii aan wax laga qaban dhibta sharci darada ah ee ay sheegeen in lagu hayo. Guddoomiyaha Midawga Saddexda Shirkaddood ee Korontadda ee Gaanafe Electri, Telesom Electric, National Electric ahna Maareeyaha Shirkadda Laydhka ee National Elecric Company Sheekh Maxamed Xuseen Maxamed oo ka hadlaayey shirkadda SOM-POWER oo saddexdan Shirkaddood Xadhko Koronto oo ay leeyihiin googoysay waxa uu yidhi “Waxaan maanta si baahsan idiinku sheegayaa in intii aanu saxaafadda maalintii dhawayd kulanay ka dib ay soo kordheen waxyaalo cajiib ah oo ka suurto galay shirkadda dalku Kootadda ugu xidhan yahay (Shirkadda Korontadda Som-power Electric) waxaasi oo ay ka mid yihiin sida cidii u baahani ay indhahooda ku arki karto in dhamaan Birhayagii Keebiladda Laydhka iyo Hantidayadii dhulka la soo dhigay , waxana la joojiyey oo halkii ay mareeyeen lagu joojiyey , waxana into dhulka la dhigay badhna dhulka cidlada ah lagu daadiyey , waxna aanu lanahayba waxna iyaga oo meeshii ay ka taagnaayeen aanu aragnay iyaga oo raqdoodii taalo, waxaasi waa waxyaalo soo kordhay oo ka dambeeyey intii aanu cabashadda marinay saxaafadda, waxa dhacday in mashaariicdii ay shirkaddani wadatay ay laban laabantay oo ay balaadhatay oo ay dhan walba ka socoto, waa aragteen laga soo bilaabo halka BACAADO ilaa magaaladda Hargeysa laga soo galo Mashruuca ugu balaadhan ee Dab dhalinta Hargeysa in uu yahay magaaladdana soo galy habeen iyo maalina laga shaqaynaayo iyo magaaladda oo koonayaasheeda meel walba laga shaqaynaayo oo kaayagii inta la joojiyey ayaa waliba Birihii taagna into la soo saaray ayaa banaanka lagu tuuray, xadhkahaygu waxay saarnaayeen birihii gaboobay ee Telesom ka guurtay ee haafafka ahaa, xadhkuhuna way gaboobeen ma garanaayo cida ka masuul noqonaysa marka guriga xadhiga baaliga ah iyo Sekeddaha Xadhkaha laga bedeli waayo ee Looxa dhacay bir loogu bedeli waayo, kolka uu ku yimaado dhaawac iyo khatar iyo dhibaatooyin cida wixii dhibaato ee Korontaddaasi bulshadda u geysato qaadaysa, waxaanse filayaa cida caqliga lihi way garanaysa cida masuuliyadda khasaaraha halka ka yimaada isla leh ee dusha u ridan doonta”. Guddoomiye Sheekh Maxamed Xuseen Maxamed oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Ninka Illaahay siiyey ee iska leh Xawaaladdaha iyo Bangiyaddu, hadii uu Internet-ka iyo Korontadda ku darsado Illaahay ayaa siiyey oo cid u diidaysa ma jirto afkayagu ma gaadho oo waa dad muxtarim ah, laakiin waxa wax la la yaabo ah in la yidhaahdo baaqiga hadhay inta kale iigu soo dara, hadii ay biyo hadheen iyo hadii Laydh kale oo cid kale haysato oo baaqiyaad ahi jiro iigu soo dara in la yidhaahdo oo shaqsi yidhaahdo ayaa Cajiib ah, waxa Indhihiina ku aragteen laga soo bilaabo halka Jidka boqol iyo Kontonka ku yaala ilaa iyo halka ay Kombaniyadayadu degan yihiin ee Buurta dhinaceeda ah, Birahayagii Korontadda oo qaawan oo murux ah oo cadaysimo ah oo aan xadhig saarnayn iyo kuwoodii oo markay sekedii buuxiyeen, hadana Biro Laydh oo been abuura la dhigay oo xadhko la saaray si dariiqa aanu marayno na looga xidho oo dariiqa 2aadna na looga xidho oo shirkaddaha isku darsamay oo sida shebekeddaha Xuubka Caaradda ah, ooh al fays oo kaliya oo waddo mara uu anfacaayo ayaa la yidhi yaan cid kale soo marin iyo soo maroow ma laga gel, hadii uu ninka Laydhku ka bakhtiyo hadii uu Dab waayo iyo hadii uu ka bakhtiisnaado mudo Bil ah in aanu gurmad kalena helin oo iska da gurmad kale oo uu helo oo in aanu xata Fayska 2aad dab kale marin, hadaba dadkii muwaadiniinta ahaa ee aanu awalba u caban jirnay waxaanu leenahay arintu waxay maraysa waa cay cay dhaaftay ee geeska qabo, waxaanu doonayna in shirkaddan SOM-POWER na la soo dhex galo waxaanu dooneyna in si caddaalad ah na loo soo dhex galo, waxaanu dooneyna dadkii mujaahidiinta ahaa ee dalka u soo dagaalamay ee jooga ee Siyaad Barre, Buule iyo Gaani ka caydhiyey Suuqa Hargeysa iyo wixii la midka ahaa ee ka xaadhay , waxaanu leenahay maanta waxa jooga qaar haysta maal Illaahay ayaa siiyey laakiin ku durduriya dadka masaakiinta ah reer nin kaliyaale ayaad u eegtihiin reer Somalilandnoow, taana looma baahna ee waa inay ganacsatadda iyo muwaadiniinta reer Somaliland dalkooda u sinaadaan”. Maareeyaha Shirkadda Korontadda Laydhka ee GAAFANE Electric Company Eng. Axmed Siciid Cabdi oo isaguna halka ka hadlay waxa uu yidhi “Mar 2aad iyo mar 5aadba aniga oo ku hadlaaya afka shirkaddaha Isbahaysiga ee Laydka waxaan halkan uga dirayaa baaq Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland md Muuse Biixi Cabdi, wasiirka arimaha guddaha iyo cid kasta oo ay arintayadani khusayso, taasi oo ah baaq cabasho ah, umad caddaalad ayaa deeqda oo sharci ayaana kala haga, hadii labada la waayo umaddu cidhiidhi ayey gashaa, waxaanu ka tirsaneyna wasaaraddii Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland dulmi iyo cadaalad daro xad dhaaf ah, iyada oo noo adeegsanaysa ciidankayagii sharaftalahaa mararka qaarkood oo Saldhigyadii Bilayska anaga na loogu awood sheeganaayo oo na lagu xidh xidhaayo, hadii aanu talaabo yar qaadno, Sabad iyo Bir midna ma taagi karo xadhig ma jiidi karo oo guri dab ma gelin karo, waad aragteen oo Birahayagii Laydhka aanu ku xidhaynay madaxa sare ayey ka wada qaawan yihiin iyaga oo bilaa xadhko ah, maxaanu u saari waynay Xadhko? Waad arki kartaan kuwa dhulka daadsan , waa na laga daadiyey halkii aanu is nidhi ka taaga Sabadayadii aanu laydhka ku xidhaynay waata Saldhiga hortaala, saddexdayadan shirkaddood ma sameyn karo wax dhaq dhaqaaqa iyo wax dabgelin ah toona , mashaariicda ay shirkadda Korontadda ee SOM-POWER hargeysa ka wadana waa la arkaa, shacbiga iyo cid waliba waa ka markhaati, wax qarsoon maaha, haba waxaanu madaxweynaha qaranka iyo xukuumadda waddanka Somaliland marti uga nahay inay arintayadad hoos u eegto, kelmadda dhawr jeer oo horena waanu nidhi maantana waanu ku celinaynaa, waxaanu marti u nahay mar 1aad iyo mar 2aad iyo mar 4aadba oo aanu caddaalad darada iyo dulmiga na haysta marti uga nahay inay wax noo qabtaan Xukuumadda iyo dawladda Waddanka Somaliland ka jirta”.