Somaliland: Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ka Dooday Miisaaniyad-Sannadeedka 2018

Date:

Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Dood Dheer iyo Falan Qayn Ka Yeeshay Miisaaniyad Sannadeedka 26aad Ee 2018.

Kal-fadhigii toddobaad (7aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22.03.2018, shirkoodii Khamiislaha ahaa ku yeeshay xarunta Madaxtooyada.

Shirkaasina waxa lagu lafo guray miisaaniyad-sanadeedka 2018 oo ay soo gudbisay wasaaradda horumarinta Maaliyaddu iyadoo uu sharraxaad ka siiyey golaha, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada, mudane Yuusuf Maxamed Cabdi, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay iyo sida ay ugu saleeyeen qorshaha labaad ee horumarinta qaranka.

Waxaanu goluhu ka yeeshay dood iyo falan qayn, isla markaana si qoto dheer uga dooday meelaha ay awoodda saarayso odoroska miisaaniyad sanadeedka 2018 ka, iyadoo dood dheer ka dib loo ballamay kal-fadhi danbe si loogu ansixiyo miisaaniyad sannadeedkaasi.

Ugu dambayn madaxweynaha Somaliland waxa uu xog-warran ka siiyey golaha wasiirrada guulaha ay Somaliland ka soo hoysay safarkii taariikhiga ahaa ee weftigii uu hoggaaminayey ku tageen Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaasoo salka ku hayey xidhiidhka wanaagsan ee labada dal iyo horumarka ganacsi ee ka dhexeeya, waxaanu safarkani ahaa mid indhaha beesha caalamka ku soo jeediyey Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana taabbo gelinaya horumar siyaasadeed iyo saaxiibo ganacsi oo hor leh.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...